Dhalllinyaro Reer Hargeysa Ah Oo Taageertay Murashaxnimada Muuse Biixi

0
498

muuse biixHargeysa(Geeska)-Dhallinyarada magaalada Hargeysa, gaar ahaan kuwa degmooyinka Gacan libaax, 26 June iyo Ibrahim Koodbuur, ayaa qalbi furan ku soo dhaweeyay murashaxnimada uu toddobaadkan ku dhawaaqay guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal ay dhallinyaradu soo gaadhsiiyeen Geeska Afrika, ayaa waxa ay ku yidhaahdeen sidan “Maanta oo taariikhdu tahay  6/5/2014, waxa xoogga dhalinyarada ee deggan xaafadaha kor kuxsan ay taageero mug weyn u fidinayaan dhawaaqii ka soo yeedhay gudoomiyaha  xisbiga kulmiye , ee  uu isugu soo taagay jagada murashaxa madaxweynenimo ee xisbiga kulmiye.

Guddoomiye, annaga oo ku kalsoon karti ahaan, aqoon ahaan, siyaasad ahaan, waxaan halkan ku cadaynaynaa in ay tahay maanta maalintii ku haboonayd , waqtigii ku habboonaa ee aad isu soo taagi lahayd  booska aad u qalanto ee ad ku dhawaaqdey.

Guddoomiye , haddii aannu nahay aqoon yahanka dhalinyarada ah ee degmooyinka kor kuxusan  waxaan halkan ku cadeynaynaa inaan kula garab taaggannahay taageero mug weyn oo ah tii aan siin jirrey isla markaasna ragga kale ku dhaafiney madaxweynaha maanta talada dalka haya  ee Axmed Maxamed Maxamuud  Siilaanyo.

Shaki kuma jiro in  waxa umadi ku horumartaa tahay tixgelinta  dadkeeda qiimaha leh, kartida leh , taariikhda leh,  kuwaasi  geya in ay helaan abaalka qaranka ay ku leeyhiin.

Shaki kuma jiro in murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga kulmiye  MUDANE MUUSE BIIXI CABDI  ay taagan tahay in uu goosto midhihii halganka  isla markaasina u fadhiyo abaal celintii bulshadiisa, inagoo taas ka duulayna  waxa dhalinayarada deegaannadda balaadhan ee Gacan libaax, 26- June, Koodbuur  ku dhawaaqayaan :

I n aan hambalyo dhamaystiran oo kal iyo laaba ah u direyno gudoomiyahay xisbiga kulmiye Mudane Muuse Biixi  Cabdi .

Inaan taageero hiil iyo hooba la garab taagannahay gudoomiyaha xilli kasta iyo waqti kasta .

In aan soo dhaweynayno  isku duubnida xisbiga kulmiye gudo iyo dibedba.

In aan kasoo horjeedno wixii abuuraya khilaaf  iyo kala tagga xisbiga gudihiisa.

 

Guntii iyo gebo gebadii waxaan  u soo jeedinaynaa, cuqaasha, salaadiinta , xildhibaanadda, beelaha, aqoonyahanka  iyo cidkasta oo reer Somaliland ah inay taageero buuxda u fidiyaan dhawaaqa gudoomiyaha tahayna maalintii abaal celinta mujaahidiinta dhiigooda u  hibeeyay xoriyadda qarankani haysto .

Waxa tageeradaa soo saaray dhalinyarada  :

Mohamed  Omer  Abdi  (xato)

Abdi  Mohamed  Yasiin  (diito )

Iid   Abdilaahi  Adam  (iid gabad)

Sh.c/raxmaan

A/deeq Muxumed Aadan (indhacase)