Dhallinyaro Lacag La Soo Diray Ku Wareejisay Xildhibaan Nacnac

0
915

Hargeysa(Geeska):-dhalinyaro ku sugan wadanka Australia oo ka soo jeeda gobolka Hawd ayaa deeq lacageed soo gaadhsiiyey dhismaha wadada masalaha ee isku xidhaysa waddada Balli-gubadle iyo Hargeysa.

1

Aqoonyahan Mubaarig Muuse Ducaale oo ay dhalinyaradani soo wakiisheen isla markaana ku soo hagaajiyeen lacagta ay ugu soo deeqeen waddada Balli-gubadla ayaa xildhibaan Nac Nac si rasmiya ugu wareejiyey lacagtaasi.

Kulanka lacagta lagu wareejinayey oo ka dhacay Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Mubaarig Muuse Ducaale oo wakiil ka ah dhalinyarada lacagtan soo dirtay waxaanu yidhi “Mudo imika laga joogo laba bilood ayaa waxa lacag dhan $6000(Lix Kun Oo Doolar) uu soo diray  dhalinyarada ka soo jeeda gobolka Hawd ee ku nool dalka Australia  kuwaas oo ii soo wakiishay inaan ku wareejiyo xildhibaan Nac Nac oo matalaya guddida wadada Balli-gubadle,  inamadii waanu ka wada hadalnay lacagtaas waxaana jirta hal kilo mitir oo ka hadhsan wadada  isku xidhaysa magaalada Hargeysa iyo Waddada Balli-gubadle, baahi aad u weyna waa loo qabaa waxaanan isla garanay in lacagtaas lagu dhamaystiro halkaas kilo mitir ee ka hadhsan waddadaas.” Ayuu yidhi Mubaarig Muuse Ducaale

Sidoo kale Axmed  oo ka mid ah dhalinyarada goob jooga ka ahayd wareejinta lacagtaas ayaa u mahad celiyey dhalinyarada ka soo jeeda gobolka Hawd ee dalka Australia waxaanu yidhi “dhalinyaradaas reer Australia ee isa soo xil qaantay kana soo qayb qaadatay waddadaas  halka kilo mitir ah ee isku xidhaysa wadada Masalaha iyo waddada Balli-gubadle aad ayaan ugu mahad celinayaa,  waxaana iska kaashaday anaga oo dhalinyaradii bilawday ah iyo xildhibaan Nac Nac iyada oo ay meesha ka maqan tahay doorkii dawlada hoose, markaa dhalinyaradaasi aad ayey u mahadsan yihiin wadooyinka kale ee inoo hadhayna waa inaynu ka wada shaqaynaa.”

Ugu danbayna Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac Nac) oo ka hadlay lacagtan lagu wareejiyey ayaa u mahad celiyey dhalinyarada oo kaalin weyn ku leh dhismaha wadooyinka waxaanu yidhi “Dhalinyarada Australia iyo kuwa halkan nala jooga aad ayaan ugu mahad celinayaa waayo  afar wado oo kale ayey ila soo shaqeeyeen lacagtana iyaga ayaa ila soo ururiyey la,aantodna waxba maan qabteen, dhalinyaradaasina maalin walba way I daba joogeen, wadooyinkiina way inaga dhamaadeen lacagta danbe ee taas inoogu xigtana waxaynu galinaynaa waddada Balli-gubadle,  wixii magaalada isku xidhayey intaas ayaa ku filan lacag hore-na waan u hayey, dawlada hoose waa inay bixisaa intii ay nagu caawin jirtay, lacagtii, daamurkii iyo jaygiiba waan hayaa.”