Dhallinyaro Eeddo Dhul Boob U Jeedisay Wasiirka Hawlaha Guud

0
749

Hargeysa(Geeska)-Dhallinyaro shir jara’id ku qabtay magaalada Hargyesa ayaa wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Cali Mareexaan ku dhaliilay inuu dhulkii danta guud uu iibiyay, waxaanay ka difaaceen eedamayo uu u jeediyay Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Dhalinyaradan ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu xilka ka xayuubiyo wasiir Cali Mareexaan waxaanay ugu horayntii yidhaahdeen “Xaal guud oo Somaliland deeqa ayaanu uga fadhinaa beelaha dhalay Cali waayo wax dhaqanka ka baxsan oo aflagaado ah  oo lid ku ah magaca guud ee Suldaanka  oo weerar joogto ah ku ah ayuu afar iyo labaatanka saacadood ku hadlaa,  waxaan leeyahay Faysal Cali Waraabe iyo Suldaanka guud ee beelaha Somaliland ee uu ku tilmaamay dhul boobka, wali laguma maqlin Somaliland intaas aynu joognay Faysal iyo suldaanka guud oo lagu eedaynaayo hanti dhul oo ay cid ka boobeen ama cid ka dacwoonaysa taariikhdana laguma hayo, bulshadu waa markhaati, lixda gobal ee Somaliland halka aad maanta Suldaanka guud iyo Faysal kaga eedaynayso lixda gobol ee Somaliland ayaa qaylinaysa oo ka cabanaysa hanti dhul kuguna eedaynaysa adiga, markaas ceebta muskaaga taala in cid kale lagu eedeeyaa waa mid xaaraan ah.”

Sida oo kale mid ka mid dhalinyaradan ayaa isaguna dhankiisa dhaliilo badan ku ganay wasiirka waxaanu madaxweynaha u diray baaq ah inuu xilka ka xayuubiyo”Wali maanu maqlin cid leh Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa dhul naga qaaday oo aan goob joog u ahayn, wali maanu maqlin suldaanka oo maxkamadaha ay cid isku jiraan iyo isaga oo ay cid is haystaan, nin dalaayad la yidhaahdo oo gabyi jiray ayaa yidhi (gudo baas nin ka yimi oo garac ah mooyaane ma gilgilo duqaytida ninkii awr ka soo go’ay) waa ayaan daro ayaan leeyahay madaxweyne Siilaanyo adiga ayaa xilka iyo xukuumadaba gacanta ku haya beeshii madaarka markii laga shaqaynaayay ka kacday intaas oo baloog  iyo intaas oo beerood wax

dhul badal ahna aan laga siin, maanta inan yar oo wasiir ah oo beeshaada ka soo jeedaa inuu suldaanka guud caayaa waa ayaan daro ayaanu leenahay, Muusena waxana leeyahay caqabada xisbiga Kulmiye daba taagan ee shacbiga Somaliland uga yaacayaa cid waliba waa ay arkaysaa adiguna waad aragtaa waa inankaa yar ee Cali Mareexaan la leeyahay, Somaliland cida wasiirada loo magacaaayaa waa inay noqotaa cid u qalanta, waxa ayaan daro ah dadkii gaadiidka caano diiqda ah wadan jiray ee shalay ku shaqaynaayay marka maanta wasiir loo magacaabo ma garan karo suldaanka iyo guddoomiyahu waxa ay yihiin,  waxaad arkaysaa Burco dhulkii booliska ee la lahaa moolbaa laga dhigayaa oo bakhaaro laga dhigay, xero dhiigtii Burco oo la dhisi lahaa oo la leeyahay Cali baa dib u iibiyay, Awdal ayaynu ogayn iyo aqalkii badhasaabka, Berbara ayaa laga qaylinayaa, Caliyoow adiga is casil ku odhan maynee waxaanu leenahay madaxweyne Siilaanyo inankan xilka ka xayuubi”