Dhallinyaro Cadadaalad Darro Ku Tilmaantay Jagooyin Uu Magacaabay Wasiirka Kalluumaysigu

0
567

Hargeysa(Geeska)-Dhallinyaro reer Hargeysa, ah gaar ahaan degmada Axmed Dhagax, ayaa wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cali Jaamac Buureed ku eedeeyay inuu si aan cadaalad ahayn u qaybiyay agaasime waaxeedyo wasaaradiisa ka tirsan oo uu shalay magacaabay.

Dhallinyaradan oo xalay nagu soo booqday xarunta wargeyska Geeska Afrika, waxay sheegeen in wasiirku garab maray codsi loo gudbiyay oo  ka yimid madaxda dhaqanka iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo xisbiga KULMIYE ka tirsan, codsigaas oo ahaa inuu agaasime waaxeed wasaaradda ka tirsan u magacaabo Cabdillaahi Daauud Maxamed Geele oo uu dhalay Alle haw naxariistee maskaxdii ka dambaysay aasaaskii xisbiga KULMIYE oo sidoo kale ahaa xoghayihii guud ee u horeeyay ee KULMIYE.

Wiilkan uu dhalay Marxuum Daa’uud ayaa ka tirsan shaqaalaha wasaaradda, waxaanay dhallinyaradani sheegeen in wasiirku qaab cadaaladda ka baxsan uu u qaybiyay agaasime waaxeedyada uu magacaabay, iyagoo ka codsaday inuu ku noqdo magacaabista agaasime waaxeedyada ee uu sameeyay islamarkaana uu Mr. Cabdillaahi Daauud u magacaabo xil agaasime waaxeed ah.