Dhallinyarada Caasimadda Hargeysa Oo Buubaa Xaal Ka Siiyay Wixii Ka Qabsaday Madaarka

0
560

Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah dhallinyarada reer Hargeysa, ayaa siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ka raaligeliyay is hortaagii lagaga horistaagay inuu ka dhoofo madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Dhallinyaradan oo ka kooban degmooyinka caasimadda Hargeysa, ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay falkaas Ismaaciil Buubaa lagu sameeyay ku tilmaameen mid ceeb ku ah caasimadda Hargeysa iyo nidaaka dawladnimo, waxaanay si gaar ah u beegsadeen qaabka ay xukuumadu u baahisay dhukumentiga uu ku safrayay Ismaaciil Buubaa oo ah sir uu muwaadinku leeyahay. “Annagoo ah dhallinyarada caasimadda Hargeysa, waxaanu xaal iyo raaligelin u gudbinaynaa Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo lagula kacay fal ka baxsan milgaha dawladnimo. Haddii Ismaaciil Buubaa lagu haysto dhukumentiga uu ku socdaalayo, waxa jiri kari lahayd siyaabo badan oo loogu qancin lahaa inuu iska joojiyo isticmaalkiisa, laakiin qaabka loo galay waxay u muuqataa inay tahay jidgooyo. Intaaba waxa ka sii diran sida fudaydka leh ee ka baxsan milgaha dawladeed ee iyadoo la isticmaalayo awoodii dawladnimo loo baahiyay sawirada baasaboorka uu Ismaaciil Buubaa ku socdaalayay. Waa talaabo xadgudub ah oo lagula kacay xuquuqda muwaadinkaas, waxaanan dawladda ugu baaqaynaa inay talaabo sharci ah ka qaado ciddii baahisay baasaaboorka ee saxaafadda u soo gudbisay.

Haddaba, haddii aanu nahay dhallinyarada Hargeysa waxaanu arrintan u aragnaa mid ceeb ku ah Hargeysadii wanaagsanayd, waxaanan Ismaaciil Buubaa u gudbinaynaa xaal guud oo dhammaystiran.”