Dhalinyaro Ka Hadashay Kulan lagu gorfeeyey Heshiiska Dekedda Oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
462

Hargeysa (Geeska)-Xukumadda aya xabsiga dhigtay dhalinyaro dhawaan shir jaraa’id oo ay kaga soo horjeedaan wareejinta dekeda berbera ku qabatay magaalada Hargeysa.

1

Ciidamada Booliska ayaa qabtay dhalinyaro rabay inay mar kale shir jaraa’id ku qabtaan oo ay kaga soo horjeedaan wareejinta iyo heshiiska Dekeda Berbera ayna ku canbaareynayaan xadhiga ay xukumaddu  kula kacday laba kamida dhalinyaradaasi oo xabsiga loo taxaabay

Dhalinyaradan ay ciidamada boolisku xabsiga u taxaabeen ayaa kala ahaa Maxamed Sidiiq Dhamme oo ahaa afhayeenkii garabka dhalinyarada xisbiga WADANI Iyo Maxamuud Axmed (Fiigo ) oo isna kamid aha dhalinyaradaasi kasoo horjeestay wareejinta dekeda berbera.

dhanka kale ciidamada boolisku ayaa habeen hore  qabtay xabsigana u taxaabeen Nuuradin Ilkacase iyo Sheekh Maxamed Ducaale oo kamid dhalinyaradi si wayn uga soo horjeestay heshiiska dekeda berbera.

Waxana ay wararku intaa ku darayaan in ciidamadu ay wali ku daba jiraan dhalinyaradii sida wada jirka ah uga soo horjeestay wareejinta iyo heshiiskii ay wada galeen xukumadda iyo shirkada DP World ee wareejint dekeda berbera, iyada oo sida naloo sheegayna ay dhalinyaro badani ka baxsadeen goobtii lagu qabtay Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Maxamuud Axmed Fiigo.