Dhacdooyinka Ugu Muhiimsanaa Taariikhda Islaamka Ee Ku Beegnaa Sagaalka Iyo Tobanka Bisha Soonka

0
966

Hargeysa (Geeska)- Dhacdooyinka muhiimka ah ee sida taariikhda ku cad dhicistoodu ku beegantay bisha barakaysan ee Ramadaan, gaar ahaan maalin ay 9 ama 10 tahay, waxaa ka mid ah:

9 ka Ramadaan

Dhacdooyinka aad loogu xasuusto bisha soon sagaalkeeda waxaa ka mid ah gaadhistii ay muslimiintu gaadheen jasiiradda Sisiiliya ee dalka Talyaaniga bishii Diisambar 827 kii Miilaadiga, kadibna ay xoog ku jebiyeen go’doomintii magaaladan saarnayd isla markaana ay la wareegeen gacan ku haynta magaaladan oo lagu tilmaamo in ay tahay xadhiga isku xidha woqooyia Afrika iyo Talyaaniga.

10 ka Ramadaan

– Dhimashada xaaskii koowaad ee Nebi Muxammed (SCW) Khadiija Bin Khuweylad oo ku beegnayd saddex sano ka hor hijriyada ayaa ka mid ah wax yaabaha ugu waaweyn ee lagu xusuusto maalintan.

– Maalintan oo kale sannadkii 1973 kii waxaa dhacay dagaalka ay Masaaridu u taqaanno dagaalkii 10 ka  Ramadaan, ama dagaalkii Oktoobar ee xorriyadda, sida ay Suuriya u taqaanno ama dagaalkii maalinta ‘Dembi dhaafka’ sida ay Yuhuuddu u taqaanno. Ciidamada Masaarida iyo Suuriya oo hoos isu ogaayaa ayaa dagaal laba geesood ah ku qaaday Yuhuudda maalin sabti ah oo ay bisha Oktoobar 6 ahayd kuna beegnayd 10-ka Ramadaan. Dalal badan oo Arbeed oo kale ayaa iyaguna farsamo ahaan ama dhaqaalo ahana dagaalka taageerayey.

Bilowgii dagaalka Masar iyo Suuriya guulo ayaa ay ka gaadheen dagaalka, dhul badanna waa ay ka soo ceshadeen Israa’iil, tusaale ahaan ciidamada Masar waxa ay ka tallaabeen marin biyoodka Suweys, waxa aanay burburiyeen dhufaysyadii ciidamada Yuuuudda, halka Suuriya ay ku guulaysatay in ay dib u soo ceshato taagagga Golan iyaga oo in badan su soo dhaafay dhinaca Israa’iil. laakiin dagaalkii waxa uu ku dhammaaday in ciidamada Israa’iil oo hub cusub ka helay Maraykanku ay dib isu soo abaabuleen  oo ay qaadaan weerar celis ay ku guulaysteen, kadib markii ay ku guulaysteen in ay jebiyaan go’doon lagu hayey qayb ciidamadooda ka mid ah. In kasta oo aanay Yuhuuddu dhur hor leh ka qabsan Masar, dhinaca Suuriya waxa ay ku guulaysatay in ay dib u soo qabsato dhulkii laga xoreeyey ee taagagga Golan.