Deg Deg: Qaraxyo iyo dagaal ka dhacay xarunta Baarlamaanka Somaliya

0
525

_75077573_zvthdproMuqdisho(Geeska/W.Wararka)-Inta la ogyahay saddex qarax ayaa duhurnimadan maanta ka dhacay xarunta Baarlamaanka Somaliya ee muqdisho, waxaana la sheegayaa inay geeriyodeen ugu yaraan lix ruux, lamase xqiijin inay xubno Baarlamaan ahi ku jiraan dadka geeriyooday.

Inkastoo aanay jirin faahfaahin rasmi ah oo la soo saaray, haddana waxa ay wakaaladaha wrarka ee caalamiga ahi qoreen inay qaraxyo lala beegsaday xaruntaas islamarkaana ay kooxo hubaysani gudaha u galeen, iyadoo ay ku suganyihiin xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsani.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa baahisay inay kooxda Al-Shabaab sheegatay weerarkaas.

Weerarkan ayaa kus soo beegmaya iyadoo uu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, habeenimadii u dambeeyay socdaalo ku marayay gudaha magaalada Muqdisho, si uu u xaqiijiyo ammaanka magaaladaas. Waxase ay weeraradani muujinayaan tamar yaraanta dawladiisa.

La soco wixii soo kordha