Deg Deg:- Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Qoyskii Dilay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle

0
730

newsHargeysa (Geeska)- Maxkamada gobolka maroodi-jeex ayaa saaka xukun dil ah ku xukuntay Muna Maxamed Cabdilaahi iyo saddex caruura oo ay dhashay, kuwaas  oo 24 bishii labaad magaalada Hargeysa ku dilay Ruqiya Siciid Ayaanle, isla markaana meydkeeda laga helay aqalka gacan ku dhiig laha saaka la xukumay.

Gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodijeex oo ka hadlaayey xukunka saaka lagu fuliyey Gacan ku dhiigle Muna Maxamed Cabdilaahi ayaa yidhi:-  “Muuna Maxamed Cabdilaahi Ina Faadumo Cali waxaay maxkamadu ku xukuntay qisaas dil ah, Maxamed Axmed Cabdi Ina Muuna Maxamed waxay isna maxkamadu ku xukunta qisaas dil ah, Sakariiye Axmed Cabdi oo ah Ina Muuna Maxamed 19jir ah waxa ay maxkamadu ku xukuntay qisaas dil ah, Farax Axmed Cabdi Ina Muuna Maxamed oo 19jir ah waxa ay maxkamdu ku xukuntay qisaas dila ah.

Maxkamad gobolka ayaa sidoo kale 10 sano oo xadhiga ku riday Hana Cabdisalaan Ismaaciil oo ay dhashay Muna Maxamed Cabdilaahi, iyadoo maxkamadu ku sifaysay xadhigeeda in aanay wali qaan gaadhin, gudoomiyaha oo arrintaas ka hadlaayey wuxuu yidhi:- “Waxa kale oo ay maxkamadu ku xukuntay Hana Cabdi Salaan Ismaaciil Ina Muuna Maxamed oo 17 jir ah 10 sanno oo xadhig ah, taas oo sharcigu dhigayo qofka 18 jir ka yar aan lagu xukumin dil”