Deg deg: Madaxweyne Siilaanyo oo xilkii ka qaaday wasiirkii ganacsiga Dr. Maxamed cabdillaahi

0
595

maxamed drHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa caawa xilkii ka qaaday wasiirkii ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxaana xilkaas loo magacaabay Dr. Muuse Qaasim Cumar.

Warsaxaafadeed madaxtooyada ka soo baxay ayaa lagu xaqiijiyay xil ka qaadista iyo magacaabista wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga.

Waxa la aaminsanyahay inuu khilaafka KULMIYE sahayday wasiirkaas. Maxamed Cabdillaahi ayaa ka mid ahaa guddiga hoggaaminaysay shirweynaha KULMIYE ee go’aamada soo saaray, balse kama uu soo daahirin shirarkii jaraa’id ee ay qabanayeen, waxaana la aaminsanyahay inuu la siyaasad yahay guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.