Deg deg: Madaxweynaha oo caawa sameeyay isku shaandhayn, magacaabis iyo xil ka qaadis

0
661

siilaanyo-n1Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa caawa 

saqdii dhexe sameeyay xil ka qaadis, magacaabis iyo isku shaandhayn.

Warsaxaafadeedyo dhawr ah uu caawa abaaro 1:00 soo saaray afhayeenka madaxtooyada, ayaa wuxuu madaxweynuhu xilalkii kaga qaaday masuliyiin ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenkii amniga, guddoomiyihii gobalka Gabiley, taliyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada iyo masuliyiin kale. Waxa kale oo uu xil ka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah agaasimayaasha guud ee qaranka, isagoo kuwo kalena isku bedel ku sameeyay.
Isku bedelka agaasimayaasha guud

Sida warsaxaafadeedku sheegay madaxweynuhu wuxuu go’aansaday  go’aansaday

1.    In Mudane, Aadan Cabdilaahi Cabdille, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL.
2.    In Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL.

3.    In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Cadaalada)

4.    In Mudane, Khadar Axmed Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, (hore Tacliinta Sare)

5.    In Mudane, Maxamed Cilmi Aaden, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Kalluumaysiga)

6.    In Mudane, Axmed Muxumed Geelle (Dacar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee JSL.

Xilka Qaadista
Madaxweynuhu wuxuu xilalkii ka qaaday masuuliyiinta kala ah:

1.    Mudane, Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha   
2.    Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gabiley
3.    Gaashaanle, Faysal Kaamil Ciise, Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL
4.    Mudane, Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
5.    Mudane, Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Warfaafinta,  Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Guddiga mihnadlayaasha caafimaadka
Madaxweynuhu wuxuu magacaabay guddiga mihnadlayaasha caafimaadka, oo kala ah

1.    In Dr. Axmed Xaashi Oday, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland
2.    In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Doodi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ciidanka madaxtooyada
Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu kale oo magacaabay 

3.    In Mudane, Axmed Cali Maygaag, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
4.    
Magacaabista badhasaabada iyo wasiir xigeenka amniga
Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu magacaabay wasiir ku xigeenka amniga iyo saddex badhasaab oo cusub, waxaanay kala yihiin
5.    
6.    In Mudane, Cali Maxamed Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL. 
Wuxuu go’aansaday

1.    In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.
2.    In Mudane, Fahmi Cabdi Bidaar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3.    In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.