Deg Deg: Guddoomiyihii guddiga doorashada Somaliland oo guddoomiyenimada guddiga iska casilay

0
745

xamariHargeysa(Geeska)-Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka qaranka Md. Ciise Yuusuf Xamari ayaa si rasmi ah iskaga casilay xilkii guddoonka guddiga doorashada, waxase uu ku sii hadhay xubinimadiisii. Guddiga doorashada ayaa guddoomiye u doortay afhayeenkii guddiga doorashada Md. Axmed Xirsi Geele.

Guddoomiye Xamari ayaan si rasmi ah loo garanayn sababta uu isku casilay, laakiin guddiga doorashada ayaa saaka saxaafadda u sheegay in guddoomiye Xamari uu is casilay, islamarkaana xilkii loo doortay afhayeenkii guddiga. Hase yeeshe Mr. Xamari ayaa sii ahaan doona xubin ka tirsan guddiga doorashada.

La soco wixii war ah ee ka soo kordha