Deeq-Bixiyayaasha Taageera Dimuqraadiyada Somaliland Oo Madaxweynaha U Soo Diray Dhambaal Ay Kaga Codsadeen Cayimida Wakhtiga Diwaangelinta Dorashada

0
881

Picture7Hargeysa(Geeska)-Wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha ah ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, ayaa la sheegay inay dhawaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo u soo direen dhambaal ay kaga codsanayaan in la cayimo wakhtiga diiwaangelinta cod bixiyayasha.

Wakiiladan oo uu fadhigoodu yahay magaalada Nayrobi ee wadanka Kenya, ayaa waxa sida ay waar uu Geeska Afrika helay sheegayaan ay Madaxweynaha ka codsadeen in la cayimo wakhtiga la qabanayo diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo muftaax u ah doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda sanadka dambe. Wakiilada ayaa la sheegay inay dhambaalkooda ku cadeeyeen sida ay muhiim u tahay in diiwaangelinta la qabto ugu dambayn badhtamaha sannadkan 2014 amaba horaanka sannadka dambe ee 2015, sannadkaas oo ah sannadka la qoondeeyay inay qabsoonto doorashada madaxtooyada iyo doorashada Baarlamaanka oo wada socdaa.

Deeq bixiyayaasha ayaa la sheegay inay dhambaalkooda Somaliland ku hogo tusaaleeyeen in haddii diiwaangelinta cod bixiyayaasha Somaliland la qaban waayo ugu dambayn horaanta sannadka 2015 ay qabashadeedu adkaan doonto, iyagoo sheegay inay sannadka 2016 ka shaqaynayaan dalka Somaliya oo isna la qorsheeyay inay doorasho ka qabsoonto sannadkaas 2016, inkastoo aanu ifaafale doorasho dalkaa ka muuqan weli.

Lama garanayo jawaabta uu Madaxweyne Siilaanyo ka bixiyay dalabka wadamada taageera dimuqraadiyadda Somaliland. Hase yeeshe xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani ayaa dhawr goor dalbaday in la dhiso hanaankii lagu qaban lahaa diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo ay saddexda xisbi qaran iyo guddiga doorasho hore heshiis uga gaadheen.

Diiwaangelinta cod bixiyayaasha Somaliland ayaa muhiim u ah doorasho xor iyo xalaal ah oo Somaliland ka qabsoonta sannadka dambe.