“Deegaanada Buuhoodle Waxba Kamay Helin Kharashkii Soo Kabashada Abaaraha”

0
793

Xildhibaan Budeeye oo ka tirsan guurtida

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Budeeye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa sheegay in deegano badan oo uu maray, oo gaadhaya ilaa laabatan tuulo oo ku yaala Buhoodle, in aanay waxba ka soo gaadhin kharashkii laga ururiyey ka soo kabashada abaaraha, ee dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatay lagu xoolaynayey.

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Budeeye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika isagoo ku sugan Deegaanka Geed Dheer, ee Gobolka Sool, ayaa sidoo kale ka waramay shaqaaqo dhexmartay laba beelood oo walaal ah oo deegaankaas wada degan, oo nin ku kala dhintay, waxaanu tilmaamay in shaqaaqadaas ay soo afjareen, labadaas beeloodna ay gacmaha isku soo sareen, waxa kale oo uu ka hadlay Doorashada iyo sida diyaarka ay ugu yihiin dadka degan deegaanadani, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Abaarihii dadku wey ka soo kabteen, laakiin xoolihii waa kuwiii dadka ka baxay, dadkuna xoolo ma haystaan, labaatan tuulo ayaan maray, hal neef oo daaqaya ma jiro, dhirtii wey baxday, cawskii uu baxay, haddana deegaanadaas aan maray kharashkii laga ururiyey ka soo kabashada abaaraha wax ka soo gaadhay ma jiraan”

Xildhibaan Budeeye ayaa mar uu ka hadlaayey laba beelood oo shaqaaqo dhex martay ay soo af jareen ayaa yidhi“Laba Beelood ayaanu ku heshiisnay Deegaanka Geed Dheer, oo Gobolka Sool ka tirsan, una dhaw Degmada Widh-widh, labadan beelood oo ah laba beelood oo walaal ah, waxa iska dhintay nin ALLE ha u naxariiste, dhimashadan timid waa laga xaalay, oo dhibaatadii iyo colaadii dhex timid waanu soo af jarnay, wanaag ayaanu soo dhex dhignay”.

Xildhibaan Budeeye mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Dadka degan Deegaanadani, aad iyo aad bay ugu heelan yihiin oo ay diyaar ugu yihiin inay Doorashada galaan, nabadgalyo iyo amnina inay ku galaan ayey diyaar u yihiin, qof walibana Xisbiga uu  jecel yahay ayuu diyaar u yahay inuu codkiisa siiyo, haddii ALLE idmo”