“Dawladdu Waa Inay Talaabo Adag Ka Qaadaa Dadka Dagaalkan Ku Lug Leh”

33
2855

Suldaan Aadan Faarax Cumar

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Aadan Faarax Cumar oo ka mid ah salaadiinta iyo madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa wax laga xumaado iyo ayaan daro ku tilmaamay dagaalka dhexmaray labada beelood ee walaalaha ah ee wada degan Deegaanka Dararweyne ee bobolka Sanaag, waxaanu ku taliyey in laga wada qayb qaato sidii dagaalka labadan beelood loo soo afjari lahaa, waxaanu ka digay in laga qayb qaato wax kasta oo dhib iyo iska colaad keeni kara, Xukuumadduna wuxuu ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabato.

Suldaan Aadan Faarax Cumar oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray guud ahaan Salaadiinta iyo madax-dhaqameedka Somaliland, waxaanu ugu baaqay inay ilaaliyaan magaca, Sharafta iyo Karaamada Saldanada oo ay ku dadaalan sidii ay umadda iskugu wadi lahaayeen oo midnimadooda iyo isku soo dhaweeyntooda uga shaqeeyn lahaayeen, ugana feejignaan lahaayeen wax kasta oo umadda kala kaxaynaya ama kala fogaynaya, waxaanu ugu horeyn yidhi  “Dagaalka iyo dhibaatada ka dhacay barri ee ay isku dileen labada beelood ee walaalaha ah aad iyo aad baan uga xumahay, waxaanu leenahay  beelaha aanu walaalaha nahay ee iyaguna walaalaha ah ee daadinaya dhiiga aan macnaha lahayn oo raggii dhimasho iyo dhaawacba uu ciidaas ka badan yahay ee wuxuu ku dhintay aanan garanaynin, waxaanu leenahay walaalayaal joojiya dilka, dad muslimiin ah oo walaalo ah oo is dhalay ayaad tihiin, inan iyo abtigii iyo inan iyo habar-wadaagii baad tihiin waxaanu leenahay anaga oo xigtadiiniya aad baanu arintaas uga xunahay, waxaanu leenahay cid kasta beelaha odyaashada iyo wax-garadkooda ah, caqligu ha shaqeeyo ee shaydaanku yaanu shaqeeyn, culimadu gobolku waa inay ka kacdo, wax-garadku waa inay ka kacaan waa in arintaasi siday tahay looga hortago”.

Suldaan Aadan mar uu baaq u diraayey xukuumadda ayaa yidhi “Dawladda waxaanu leenahay talaabo adag oo aanay naxarisi ku  jirin waa in laga qaado  dadka dagaalka labadan beelood ku lug leh ee  oogaya colaada, waa in wax laga qabto,dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma

dhasho, dalkan aynu maanta haysano ee aynu magacan kula baxnay, inta halkaas bilaa macnaha ugu dhimatay in la mid ah ayaa ku dhimatay laakiin waxaanu ku samraynaa in maatidii, caruurtii, dumarkii iyo dadkii gaboobay iyo ardaydii in mid kastaaba maanta meeqaamkiisi haysto oo raggii dhintay ku ilaawaynaa, Raggii shalay xabadda meel u wada ridayey waa raggaas maanta la dul fadhiyo ee la leeyahay ciidan baa la soo dul dhigtay, marka laba iyagu is qaybiyey, cid kuma qaybaan, waxaan leeyahay walaalayaal colaad joojiya, walaalayaal xumaanta joojiya, dagaalo hore ayaa jiray, maaliyiin baa ku dhintay, waa laga heshiiyey, balse intaas oo goor buu dagaalkiinu soo noqonayaa, oo dadkii caqliga lahaa wey idin yimaadeen, oo odayaashii wey idin yimaadeen, Dawladdu wey idin timid, oo cid walba oo dhaqani wey idin timid, haddana dagaalka waad soo celinaysaan, waxaan idin leeyahay wax alaale waxaad kala helaysaan ma jirto ha la joojiyo dagaalka”.

Suldaan Aadan mar uu talo u diraayey madax-dhaqameedka ayaa yidhi “Fidnadu in la qaboojiyo bay u baahan tahay, hadalka wanaagsani waa sadaqo, Salaadiin waaweyn baad mooda inay arintan si kale uga hadlayaan, barigii aynu is dilaynay Faqashtii iyo tan malaa kala garan mayaan, maalintaas bay gubaabadaasi taagnayd, balse kani waa ka dhimay oo kugu dhimay, waa labadaadii inan, ninka labadaba u suldaan ee dabka xaska saaraya, ILLAAHAY baad la kulmi qiyaamaha, kalmada wanaagsani waa sadaqo, Salaadiinta ugu facaweyn Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, waa Salaadiinta ugu waaweyn, waana labada Saladood oo meel ka soo wada jeeda, waa ba dahabo garaad iyo ba diriye garaad, labaduba waa reer garaad boon, laba Saladanood oo wanaagsan bay ahayeen, kuwaas is dilaya labadooduba u suldaan bay ahaayeen, laba suldaan oo reer Hargeysa ahna wey ahaayeen, ilaa Ingiriiskii laba Suldaan oo raacay ee la socday Duba Cali Yare, Maykal Maryama, Maxamed  Xaaji Ibrahim Cigaal, kuwii inay maanta ku soo dhex noqdaan reerka dhexdiisa, oo wax ka sheegaan, may ahayn, maydaan garanin waxaad dhaxasheen, maydaan garan dadka intay Suldaan u ahaayeen, iyo intaanay u ahayn, ninba inuu qolo caayo, ninba inuu dab shido, ninba in raggii oo hilbihiisi daba daadsan yahay inuu waxaas ku hadlo, may ahayn, waxaan leeyahay nin kasta oo dhaqan ah oo waxaas ku hadlay muu garan wixii dhaqanka looga dhigay ee loo doortay, waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay Beesha aan ka soo jeedo ee aan Salaadiinteeda ka mid ahay, oo shalay hadlay, oo Cuqaashii oo dhan iyo wixii dhaqanka oo dhami hadashay, iyagoo diraya taas aan dirayo mid la mid ah, aniguna iyagii baan daba socdaa, waana hambalyeynayaa sidaas ay Beesha iyo Cuqaasho u hadashay, sidii ay yidhaahdeen baana ku raacsan nahay, waana u mahadnaqayaa”.

Suldaan Aadan mar uu ka hadlaayey Xisbiyada ayaa yidhi “Dalkan wax badan baa lala soo maray, diban-daabyo uma baahna, dhibaatana uma baahna, waxaanu leenahay Saddex Xisbi Qaran, saddexdaba qaranka ayaa leh, mid waliba cid garanka ka mid ah ayaa u coddeeysay, ka soo baxay iyo ka dhacayba labaduba qaranka ayey u joogaan”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here