“Dawladdii Siyaad Barre Markii Lasoo Galaan-Gelayey Waxaynu Maqli Jirney Khadiijaa Tidhi Iyo…”

0
679

Picture5Ceerigaabo(Geeska)-Oday Xasan Jikraale oo ka mid ah waayeelka Beelaha ku dhaqan Ceerigaabo ayaa isagoo Salaasadii ka hadlayey Shir-jaraa’id oo xisbiga Waddani ku qabteen magaalada Ceerigaabo, wuxuu halkaas xukuumadda Somaliland uga soo jeediyey talooyin dhinacyo badan taabanayey.

Odaygan oo ka mid ahaa odayaal kale oo aad uga hadlay xaaladd dalka, ayaa wuxuu yidhi,  “Dawladdii Adkayd ee Siyaad Barre markii lasoo galaan-gelayey waxaynu maqli jirney Khadiijaa tidhi, Muraaya Garaad baa casishey, C/raxmaan buluqbuluq baa sidaas yidhi tii oo kale Somaliland yay nonon oo guudka Somaliland way ka wanaagsan tahaye hoosta yay ka burburi madaxtooyaduna yaanay nonoq shaadh cid kasta ku filan (Free size)”.

Odaygani isagoo ka hadlayay doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda Somaliland, wuxuu yidhi  “Saddexdii dawladood ee hore waxa la odhan jirey Afrikaay Somaliland kaga dayo doorashada imikana markii la arkay tii ugu danbaysey ee golayaasha deegaanka oo waraaqeheedii noqdeen wax meel kastaba lala taagan yahay oo faraha la iska mariyo. Adduunku wuxu yidhaahdaa haku dayannina doorashadii Somaliland oo kale markaa taas baannu ka digaynaa mana wanaagsana”.

Oday Xasan, wuxuu kaloo aad uga hadlay khilaafkii golaha wakiilada ka taagnaa ee ay golaha guurtidu shalay xaliyeen. Waxa iyaguna sidoo kale halkaas ka hadlay odayaal kale oo xukuumadda ku waaniyay inay muujiso masuuliyad iyo dulqaad.