“Dawladda Waxaanu Leenahay Ha Fadhiyin Tuko-raq Ee Xuduudka Tag”

40
3124

Hoggaamiye Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu saluugsan yahay nidaamka iyo xukunka Madaxweyne Muuse Biixi uu ku maamulayo taladda dalka, waxaanu xusay in arimo badan oo loo baahnaa inuu kala tashado Xisbiyada Mucaaradka aanu kala tashan, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in dadka  Doorashadii kala qaybisay la mideeyo.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale Xukuumadda ugu baaqay inay talaabo ka qaado Madax-dhaqameedka Bulshada kala qaybinaya, waxaanu sheegay inay Saxaafadda xorta ah difaaci doonaan, isagoo sidoo kale tilmaamay inay Xukuumaddu sidii looga baahnaa inay uga hadasho xiisada ka taagan Tukaraq in aanay uga hadlin, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay kulan uu la yeeshay Safiirka Yurub ee Qaramada Midoobay, “Amasadoorkii Yurub ee UN-ka, ayaanu la kulanay, waxaanu kala hadalnay xaalada uu dalku marayo hadda, inaynu Doorashadii galnay, nabadgalyo ku galnay, Alxamdulilahaa, in badan bay inagu hudiyeen, oo ay lahaayeen Doorasho qabta, qabanay oo nabadgalyo ku dhacday, Somaliland maanta dhaqaale xumo ayaa haysa, sicir bararku uu sii kordhay, abaartu wey sii socotaa, dadku baraku ku dhacay, oo waliba u badan yihiin Somali Itoobiyanka, oo Dawladdan iyo tii horeba, ka guul daraysteen, inay dadkaas Somali Itoobiyanka ah, inay gacanta ku saaran Hay’addaha Qaxoontiga qaabilsan, waanu u sheegnay, waxa kale oo iyana u sheegnay in Tahriibayaashii Liibiya lagu aftuubtay, oo Afrika oo dhan lahaa, oo Somali ka mid ahayd, oo inagu u badnayn, Dawladda Xamar baa sheegatay dadkii oo tidhi ha naloo keeno Xamar, arintaas waxaanu nidhi maaha in dadkayga Muqdisho la geeyo, oo dhul aan nabad ahayn, oo cid aanay ku lahayn, in lanaga geeyo ma doonayno, marka Dawladda Muuse Biixina waxaan ka codsanayaa cidii shaqo ku leh inay arintaas la ogadaan, oo dadkaas aan Muqdisho laga dajin, waa dad aad iyo aad u liita, oo caafimaadkoodu aad u xun yahay, oo in badan la dhibay”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID mar uu ka hadlaayey Safiirka Yurub ee Qaramada Midoobay mar ay kala hadleen xaalada ka taagan Gobolada Barri, gaar ahaan Tukaraq ayaa yidhi “Waxaanu uga sheekaynay arinta ka dhacday Tukaraq, waanu ka xunahay in aanay Dawladdu dadka u sharixin arinta ka dhacday Tukaraq, oo ay ahayd inay Dawalddu umadda u sheegto, Caalamka u sheegto, Axsaabta u sheegto, sababta ay Ciidankeenu u tageen deegaanka Gobolka Sool ee Tukaraq, halkaasi waxay noqotay meel uu Maamulka Garoow ka sameeystay xarun, halkaas wey ka sii fogaatay oo waxa la damcay in la keeno Ciidamo ay u bixiyeen Ciidamadda Fadaralka, oo xududa inaga iyo Somaliya inoo dhexeeya la soo durkiyo, markaas waa dhul fidsi, ayaa halkaas ka muuqatay, wadan kastaana xaq buu u leeyahay inuu xuduudihiisa tago, anagu ma ogin in xuduudihii uu isticmaarku sameeyey ilayn mid kasta isticmaar baa sameeye midna may sameeynin malaagiye, in la baabiyey anigu ma ogi, arintana waa arin ay Somali hore ugu hungoowday,oo laba jeer dagaal ku galay Itoobiya, ee Kenya aynu jabhad ku furnay, ee ahayd waxa afka Somali ku hadla meel aynu iskugu keeno, Garoowe mar haddii ay ku guulaysteen inay Somali qaybiyaan, oo ka dhigaan Dawlad Goboleedyo qabaa’il ku fadhiya, oo ay haddana qaybiyeen Galkacayo, dadkii walaalaha ahaa ee is dhalay, oo Galkacayo laba maamul baan u sameeynayaa ay yidhaahdeen, inay u soo jeestaan Somaliland oo ay is yidhaahdeen iyana qaybiya, wakhtiga ayaa siiyey, laakiin waxaanu leenahay tani idiin suurtagali mayso, Siyaasad iyo Sharcinimo nagagama adkaanaysaan,  xoogna nagagama adkaanaysaan, Dawladda waxaanu leenahay ha fadhiyin Tukaraqe, Xuduudiina taga, Somaliland iyo Somaliya, anagu maanu kala jarin, waanu isku darnaye, Somaliya yaa kala jartay, Somaliya ayaa kala jartay, oo calamkooda ayaa kala jaray”.

Eng: Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Madax-dhaqameedka ayaa yidhi “Hadda waad og tihiin meesha ay marayso sheekada ay soo saareen nimanka aan salaadiinta ahayn, ee aan cidna ka wakiil ahayn,ee aan damiirka lahayn,waxay ku hadlayaan,  inagoo xaaladeenu maanta xaalad adag tahay, dadka qabaa’il u kala saaray, ee 1994 ku celinaya, waxaanu leenahay talaabo ha laga qaado, ninka aan garaynin wixii ku dhacay, waxaan moodayey in dadka garaad u kordhee, in dadka garaad u kordhin ayaa noo muuqata, dadka aan garaad u kordhina waa la hogaamiya, inuu isagu ku hogaamiyo maaha, marka dadka xuquuqda iyo mustaqbalka caruurta, hungurigooda ka dhigaya, waxaanu leenahay Dawladdu gacan ha ka qabato, oo ha kaga bilawdo ninkii bilaabay aflagaadada, ee Burco ka bilaabay, geyga aynu deganay oo dhami wuu ololayaa, oo Yamen waad aragteen, Elatariya iyo Sudan waxa kala haysta waad aragteen, Masar iyo Itoobiya waxa kala haysta waad aragteen, bugcadaas aynu ku nool nahay ayaa maanta Geeska ugu abad fiican, haddii aad garan weydaan Nabadgalyada nimankaas Salaadiinta aan sheegayow, ee maanta xumaanta faq-faqayoow, anaga ayaa garanayna dhibaatadeeda”.

Eng. Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey nidaamka Xukunka Madaxweyne Muuse Biixi ayaa yidhi “Anagu wakhti baanu ku siinay, waanu ku daawanaynaa, ilaa haddana sida aad u wadid lama dhacsani, laakiin anaga na eersan maysid ee kuwii ku saaray ayaa hadli doon’e, laakiin waxaanu ku leenahay taladda waa la wada leeyahay, hadaad naga maarantay, anaguna waanu ka a maarmi doonaa, haddii labadayadii Xisbi midna aanad kala tashan, arintaas taala, adeer dal baa lagu dhiibay, nadiifsan, oo midaysan, Doorashadii baa ina kala qaybisay, dadka in la mideeyo ayaa la doonayaa, marka arimahaas oo kale loo tagayana,  dadka ayaa la mideeya, inta aanad talaabo qaadin, oo loo warama, sababtaas baa jirta, waxaas baanu sameeynaa, si umaddan loo baraarujiyo, qaranka Somaliland cidna ma khiyaanayn karto, cidna shiisheeye gacan ma siin karto, midnimo ayaa lagu ilaalinayaa dalkan”.

Eng. Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Saxaafadda madax banaan ayaa yidhi “Waan ka xumahay Wasiirka waxa la igu yidhi wuxuu ka yimid Dhulka Ilbaxnimada leh, anigu maan dhagaysan laakiin waxa laga soo sheegayey Wasiirka Warfaafintu ma fiicna, Saxaafadda waa in loo sameeya sharci, waa xor, waa inay iyana akhlaaqda ilaalisa, iyana wixii wadanka jira waa inay ka waramaan, xorna waad tihiin ee idinkuna akhlaaqda ilaaliya, waana idin daafacayna insha allaahu tacaala, wixii xumaan ee la idinla yimaado”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here