Dawladda Uu Ka Dhab Yahay La Dagaallanka Musuqmaasuqu Waa In Ay Talooyinkan Raacdaa

0
987

Hargeysa (Geeska)- Hay’adda daahfurnaanta ee caalamiga ah oo ka sahqaysa la dagaallanka iyo dabagalka musuqmaasuqa, ayaa war ay dhowaan soo saartay ku sheegtay habka ay is leedahay waa loola dagaalami karaa dhaqankan cudurka noqday.

‘Transparency International’ waa hay’ad caalamiya oo aanay dawladi lahayn, waxa aanay hoggaamisaa dagaal caalamiya oo ka dhan ah musuqmaasuqa adduunka. Hay’addan oo sannad kasta soo saarta liiska, sida ay dalalka dunidu ugu kala horreeyaan musuqmaasuq badnaantu, waxa kale oo ay qabataa barnaamijyo ay wacyigelini ka mid tahay oo la xidhiidha musuqmaasuqa. Haddaba hay’adda ‘Transparency International’ waxa ay dhowaan degelkeeda Internet ka ku faafisay habab ay sheegtay in muwaadin kasta iyo xukuumaduhuba ku gaadhi karaan ka dhabaynta in ay horumar ka sameeyaan dagaalka cidhibtirka musuqmaasuqa; hababkaas ayaa kala ah:

In xasaanadda la tirtiro:

Sharciga oo si buuxda loo dhaqangeliyaa waxa ay lagama maarmaan u tahay in dadka musuqmaasuqa samaynayaa ay mutaystaan ciqaabtooda, iyo in la tirtiro dhaqanka ah in qofku ka badbaado ciqaabta ay tahay in la saaro ama in dib looga soo celiyo hantida iyo maaliyadda uu musuqay.

Arrintan waxaa lagu suurtagelin karaa in la sameeyo nidaam sharci oo xoog badan, iyo nidaam garsoor oo shaqaynaya, madaxbannaanina haysta.

Maamul wanaajin

Dib u habaynta iyo wanaajinta maamulka maaliyadeed ama xoojinta kaalinta ay wakaaladda dabagalka iyo la xisaabtanku leedahay, ayaa kaalinta ugu weyn ka qaatay guulaha ay dalal badani ka gaadheen dib u habaynta iyo wanaajinta hay’adaha dawladda ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Meelaha ay dalalkaasi wanaajiyeen waxaa ka mid ah, in xogta miisaaniyadda laga dhigo mid daahfuran, (Dakhliga iyo kharashkuba cad yihiin), arrintaas oo ka hortag u ah in si qaldan loogu takrifalo khayraadka iyo maaliyadda qaranka.

Xoojinta Daahfurnaanta

Dalalka guusha ka gaadhay madax jebinta musuqmaasuqu waxa ay caan ku yihiin dhaqan xeeldheer oo ah furfurnaan xukuumadeed, xorriyad warbaahineed, daahfurnaan maaiyadeed iyo maamul, iyo in xogtu noqoto mid la heli karo oo aan dadka laga qarin. In xogtu noqoto mid la gaadhi karaa waxa ay kordhisaa waxqabadka hay’adaha dawladda, waxa ay kor u qaaddaa heerka ka qaybgalka dadweynaha ee hawlaha qaranka.

Dhisidda muwaadinka

In la xoojiyo doonista muwaadiniinta ee la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo in loo suurtageliyo la xisaabtanka xukuumaddu, waa jid aasaasi u ah xoojinta kalsoonida ay muwaadiniintu ku qabaan xukuumadda.

Tusaale ahaan, hindiseyaal ahaa dabalgal bulsho, ayaa si weyn uga qaybqaatay fashilinta musuqmaasuqyo, iyo in la yareeyo ku takrifalka qaldan ee maaliyadda, isla markaana tayo ahaan iyo tiro ahaanba wanaajiyey adeegyadii dawladda.

Daboolidda galdaloolooyinka dawladda

Haddii aanu jirin nidaam maaliyadeed caalamiya oo ay gaadhi karaan, masuuliyiinta dawladaha ee musuqmaasuqa samaynaya ee dunida oo dhan, uma ay suurtagasheen in ay lacago sifo sharcidarro ah kula baxaan iyo in ay qariyaan raadadka iyo faa’iidada ka soogasha hantida dawladda ee la dhacay.

Waxaa baahiweyn loo qabaa in xarumaha maaliyadeed ee waaweyni ay dejiyaan shuruudo iyo habab bangiyadooda iyo xarumaha maaliyadeed ee dunida ay ku leeyihiin ama la shaqeeya ka mamnuuca in ay qabtaan ama la macaamilaan lacagaha lagu helo habab aan sharciga waafaqsanayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here