Dawladda Turkiga Oo Ergey Cusub U Magacowday Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya

0
1482

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Turkiga ayaa ergey gaar ah u magacowday wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, oo hadda ku jira hakad. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo diblomaasiyadeed oo xogogaal ah.

Danjire Dr. Olgan Bekar, oo ahaa safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya oo ay bishan ka dhammaatay mudadiisii xil hayneed, ayaa markii uu ku noqday dalka Turkiga waxa loo magacaabay ergayga cusub ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Turkiga Danjire Jaamac A. Maxamed, ayaa danjire Dr. Olgan Bekar ku bogaadiyay xilka loo magacaabay, waxaana farriin uu diblomaasigan Soomaaliga ahi ku qoray bartiisa twitterka ku sheegay in dawladda Soomaaliya ay danjire Dr. Olgan Bekar ka taageeri doonto hawsha cusub ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee loo magacaabay. “Farxad ayay ii ahayd inaan danjire Olgan Bekar ku qaabilo Ankara.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyay intaas, “Wuxuu qiimo u lahaa xidhiidhka Soomaaliya iyo Turkiga, waxaanan u balan qaaday taageeradayada xilkiisa ah ergayga cusub ee Turkiga ee wada hadalada Dawladda Soomaaliya iyo Somaliland.”

Xukuumadda Somaliland, ayaan weli ka hadal magaacaabista ergaygan Turkiga.

Waxase la isweydiinayaa doorka Turkigu wakhtigan ku leeyahay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo istaagay, iyadoo ay Somaliland hore u sheegtay inaanay la dhacsanayn dhexnimada Turkiga ee wada hadalada labada wadan.

Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa horaantii sannadkan intii aanay wada hadaladu burburin waxay isla garteen inay Djibouti ku yeeshaan kulan daah-furis loogu samaynayo dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho.

Biixi iyo Farmaajo, ayaa sidoo kale iyadoo ay diblomaasiyiin shisheeye u kala dab qaadayeen waxay isla garteen in Switzerland martigeliso wada hadalada oo laga soo wareejiyo Turkiga.

Turkiga, ayaa la sheegay inaanu jeclaysan talaabadaas lagaga wareejiyay wada hadalada, waxaanu xidhiidho la sameeyay Somaliland iyo Soomaaliya. Lamase oga in Turkigu hadda go’aansaday inuu soo ceshado doorkii uu ku lahaa wada hadaladaas iyo inuu doorkiisii fududaynta madasha wada hadalada u bedelayo door dhexdhexaadiye.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here