Dawladda Sweden Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaantay Dagaalka Ay Xukuumadu Ku Hayso Saxaafada Iyo Xarumaha Warbaahinta

0
611

Picture6Stockholm(Geeska)-Saraakiil sar sare oo ka tirsan dawladda Sweden ayaa walaac ka muujiyay dagaalka ay xukuumadda Somaliland ku qaaday saaafadda madaxabanaan, iyagoo sheegay in ku tumashada xuquuqda aadamuhu ay saamayn ku  yeelanayso sawirkii wanaagsanaa ee Somaliland lagu bartay 20-kii sannadood ee u dambeeyay. Saraakiishan oo ka tirsan wasaaradda cadaaladda Norway, waxa ay hadalkan ka sheegeen kulan ay magaalada Stockholm kula yeesheen xoghayaha maaliyadda xisbiga UCID Marwo Faadumo Siciid iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga.  Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay kulankaas oo uu xisbiga UCID soo saaray Marwo Faadumo Siciid  iyo saraakiishan  ayaa  “ka wada hadlay arimo badan, waxaana ugu muhiimsanaa in dawlada Sweden iyo Somaliland laga dhex abuuro iskaashi dhaw oo adag, Sweden-na ay ka qayb qaadato horumarka ka socda Somaliland Geedi socodkka dimuqraadiyada iyo tayeynta iyo kor u qaadida garsoorka iyo caddaalada , iyadoo kor u qaadida iyo dhisida garsoor adag oo tayo iyo  aqoonba leh ay Somaliland maanta u baahantahay, sidoo kalena ay muhiim tahay in dalka Sweden gacan ka siiyo.”

Sida warku sheegay saraakiisha ka tirsan dawladda Sweden oo kala ahaa Elesebeth Dode,  Linus Gustafsson, iyo Dorren William, waxa ay kulankaas ku soo dhaweeyeen wada halada ay la yeesheen faadumo Siciid, waxaanay tilmaameen inay Sweden diyaar u tahay inay Somaliland caawiso. Waxa ay wax laga xumaado ku tilmaameen sida uu warku sheegay, sida ay xukuumadda talada haysaa u dhaawacayso dimuqraadiyadda curdinka ah ee Somaliland, “Waxaanay ka digeen ku tumashada xaquuqda aasaasiga ah ee muwaadaniinta iyo tacadiyada lagu hayo saxaafada iyaga oo aad ugu dheeraaday madaxbanaanida saxaafada iyo in qofku ra'yigiisa u madax banaanaadaa in ay tahay aasaaska dimuqraadiyada. Qofku waa uu qaldami karaa  talaabo sharciga waafaqsana in laga qaadaa way  dhacdaa, laakiin maanaan fahmin in xarumo war baahineed albaabada loo laabo oo weliba awood ciidan loo adeegsado.” Sidaas ayay yidhaahdeen masuliyiinta ka tirsan dawladda Sweden. Ka sakow, Faadumo Siciid, waxa kale oo shirka ku weheliyay masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID oo kala ah Xoghayaha Sweden Faysal Cadami iyo Guddmiyaha Stockholm Sitiin Muumin Rooble. Waxaanay ku kulmeen xarunta wasaaradda cadaaladda ee wadanka Sweden. Dawladda Somaliland ayaa u muuqata inay cadaadis kala kulmayso xarumaha warbaahineed ee ay albaabada u laabtay iyo weliba saxafiyiinta xabsiyada ku jira, waana markii u horaysay taariikhda Somaliland ee ay sidan oo kale dhacdo.