Dawladda Sucuudiga Oo Laba Kun Oo Neef Oo Geel Ah Ku Soo Celisay Dekedda Berbera

0
718

Picture6Berbera(Geeska)-Dawladda boqortoyada Sucuudiga ayaa dekedda Berbera dib ugu soo celisay geel tirada lagu sheegay laba kun oo  neef oo bishan ka ambobaxay dekedda Berbera, geelan ayaa la filayaa inay caawa soo gaadhaan Berbera.

Geelan ayaa la sheegay inay dawladda Sucuudigu sheegtay in laga helay xanuunka loo yaqaan Buruseelaha, waxase markabka laga dejiyay adhi saarnaa oo Berbera ka dhoofay, kaas oo isagu caafimaad qabay.

Wasiirka xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

Laakiin talaabadan ayaa ceeb ku noqon karta maxjarka Berbera ee ay xooluhu ka dhoofeen oo ay ka muuqato inaan si wanaagsan loogu baadhin xoolahan ka hor intii aanay dhoofin. Dawladda Somaliland ayaa la eegayaa sida ay u waajahdo arrintan, iyadoo ay xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland.