Dawladda Sucuudiga Oo Ku Qancisay Dawladda Soomaaliya Inay Joojiso Mucaaradada Ay Ku Hayso Maalgashiga Dp World Ee Dekedda Berbera

34
3597

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Sucuudiga, ayaa la sheegay inay ku qancisay
dawladda Soomaaliya inay joojiso dagaalka mucaaradeed ee ay kaga soo
horjeedo mashruuca horumarinta iyo casriyaynta dekedda Berbera ee DP
world.

Wargeyska The Indian Ocean, ayaa cadadkiisii shalay qoray in
Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre oo safar ku tagay dalka
Sucuudiga maalmihii la dhagax dhigayay balaadhinta dekedda Berbera, uu
boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, maalin ka hor
xafladii dekedda lagu balaadhinayay  u bandhigay sida adag ee ay
dawladiisu uga soo horjeedo maalgashiga DP world ee dekedda Berbera.
Laakiin boqorka Sucuudiga ayaa aakhirkii raysalwasaare Khayre ku
qanciyay inuu joojiyo mucaaradada uu ku hayo maalgashiga DP world ee
Berbera, “Iyadoo lagu bedelanayo caawimo dhaqaale oo lagu caawinayo
dawladda Soomaaliya si ay u bixiso mushahaharka askarteeda iyo
saraakiisha Booliska, wuxuu boqorka Sucuudigu u sheegay Xasan Cali
Khayre inaanu farogelin maalgashiga Imaaraadka Carabta ee Somaliland
ee balaadhinta dekedda Berbera.” Ayuu ku  yidhi Wargeyska The Indian
Ocean warbixinta uu shalay qoray waxaanu intaas raaciyay, “Muqdisho,
markaas way joojisay inay ku qayliso saxeexii 12 Oktoobar ee
qandaraaska $ 101 milyan dollar ee  dhex maray  shirkadda Imaaraatiga
ah ee ee Shafa Al Nahdah iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ee
ku saabsanaa wejiga koowaad ee balaadhinta dekedda Berbera.” Ayuu
yidhi wargeysku.

Ma jiro war madaxbanaan oo xaqiijinaya warbixintan uu shalay baahiyay
wargeyska The Indian Ocean, laakiin raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa ka
soo laabtay socdaalkaas uu ku tagay dalka Sucuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here