Dawladda Sucuudiga Oo Bil Gudaheed Markabkii Labaad Ee Geel Ah Ku Soo Celisay Dekedda Berbera Iyo Mooganaanta Xukuumadda Somaliland

0
674

Picture7Hargeysa(Geeska)-Dawladda boqortooyada Sucuudiga ayaa dhawr toddobaad gudahood markabkii labaad ee geel qaaday ku soo celisay dekedda Berbera, waxaana markaban ka horeeyay markab kale oo isna la soo celiyay oo ka baxay dekedda Berbera.

Markabkan la soo celiyay oo la filayo inuu caawa soo gaadho dekedda Berbera ayaa Somaliland ka ambobaxay 26-kii bishii hore, waxaana laga dejiyay adhigii saarnaa, waxase dib loo soo celiyay 1280 neef oo geel ah oo markabka saarnaa, kuwaas oo la qiyaasayo in lagu soo celiyay isla sababtii hore ee lagu soo celiyay markabkii hore oo ah in geela laga helay xanuunka loo yaqaano Burusteelaha.

Markabkan cusub ee la soo celiyay ayaa magaciisa la yidhaahdaa Aamiin, waxaana geela saarnaa ee la soo celiyay 550 ka mid ah iska leh ganacsade Al-Jaabiri, halka ay inta kalena leeyihiin ganacstada reer Somaliland.

Wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir, oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo xoolahan markii labaad saddex toddobaad gudahood lagu soo celiyay dekedda Berbera, ayaanay noo suurtogelin. Hase yeeshe labadan talaabo ee ay dawladda Sucuudigu qaaday ayaa ah laba talaabo oo khatar ku ah xoolaha nool ee Somaliland oo ah laf dhabarta dhaqaalaha Somaliland, waxaan xoolahan labaad dib loo soo celiyay iyadoo aanay xukuumadda Somaliland meelna ku tiirin cidda iska yeelatay eedda xoolihii hore ee dib loo soo celiyay.

Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata inaanay weli ku baraarugin halista ka dhalan karta xoolahan markii labaad toddobaadyo gudahood lagu soo celiyay dekedda Berbera, waxaana walaaca arrintan laga dareemayaa suuqyada sayladaha xoolaha ee dalka.

Ganacsatada dhoofisa xoolaha nool, ayaa iyaguna ka walaacsan labadan markab ee u dambeeyay ee la soo celiyay, kuwaas oo sababi kara inay dawladda Sucuudigu si fudud u qaadato go’aan guud ahaan saameeya xoolaha Somaliland, iyadoo ay jiraan wadamo iyo dekedo kale oo tartan kula jira Somaliland iyo dekedda Berbera.