Dawladda Soomaaliya Oo Soo Rogtay In Baasaaboorada Lagala Wareegto Dadka Ay Ugu Taalo “Visa” Somaliland Ahi

42
3585

Muqdisho(Geeska)-Dawladda Soomaaliya ayaa bilowday inay Baasaaboorada
Soomaaliga ah kala wareegto dadka Soomaaliya u dhashay ee sita
Baasaaboorkaas ee ay ugu tallo dal-ku-galka [VISA] Somaliland ahi.

Tiraba laba ruux oo u dhashay magaalada Muqdisho, ayaa shalay madaarka
Muqdisho lagaga qaaday Baasaabooradoodii oo ahaa kuwo Soomaali ah, ka
dib markii la arkay dal-ku-galka Somaliland oo ugu yaala, waxaana
dadkaas loo sheegay inay waaxda socdaalka ee Soomaaliya ka dalbadaan
Baasaabooro cusub. Dadkan oo hore safaro ugu yimid magaalada
caasimadda ah ee ay Hargeysa ayaa waxa dal-ku-gal 30 cisho ah siiyay
waaxda socdaalka ee Somaliland.

Dawladda Soomaaliya ayaa soo rogtay amar ah in Baasaaboorada
Soomaaliga ah ee lagu arko inay dal-ku-galka Somaliland ku taalo lala
wareego. Dawladda Somaliland ayaa hore u soo rogtay inaan madaarada
Somaliland lagu soo geli Karin Baasaaboor la’aan, waxaanay dadka ka
imanaya magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ee soo jeeda caasimadda
Somaliland ee Hargeysa ay soo qaataan Baasaabooro Soomaali ah oo lagu
siiyo dal-ku-galka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here