Dawladda Somaliya Oo Si Weyn Uga Cadhootay Go’aanka Ay Dawladda Kenya Xafiis Diblomaasiyadeed Kaga Furanayso Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa

0
655

Picture8Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga cadhootay go’aanka ay dawladda Kenya ku gaadhay inay xafiis diblomaasiyadeed ka furato caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa cadadkiisii Isniintii shalay baahiyay in sababta ay dawladda Somaliya ugu yeedhatay safiirkeedii Kenya joogay Mr. Maxamed Cali Nuur, oo markii hore loo fasirtay inay la xidhiidho xadhig loo gaystay diblomaasi safaaradooda ka tirsan, ay hadda cadaatay in sababta loogu  yeedhay ahayd cadho ay dawladda Somaliya ka qaaday laba xafiis oo ay dawladda Kenya ka furanayso magaalada caasimadda Somalialnd ee Hargeysa iyo magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland ee Somaliya, iyadoon waxba lagala socodsiin. Wargeyska The Star, wuxuu xusay inay dawladda Somaliya, gaar ahaan raysalwasaarahooda Cabdiweli Sheekh Axmed uu dawladda Kenya u qoray dhambaal uu kaga dalbanayay in la tixgeliyo. Laakiin wargeysku muu raacin wax jawaab ah oo ay dawladda Kenya ka bixisay, balse wuxuu tilmaamay in jariiradu isku dayday inay la xidhiidho wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamina Maxamed, si wax looga weydiiyo xafiiska ay Kenya ka furanayso caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taasina aanay suurtogelin, waxaanu tilmaamay inuu sidoo kale xidhiidho la sameeyay saraakiil kale, kuwaas oo iyaguna ka gaabsaday inay ka hadlaan, xaasaasiyada ay arrintani leedahay darteed.

Toddobaadkii hore, wuxuu wargeysku xusay in safiirka Somaliya u qaabilsan Kenya Maxamed Cali Nuur, uu golaha wasiirada Somaliya uga xog waramay xidhiidhka liita ee Somaliya iyo Kenya. Waraysi kale uu safiirka Somaliya siiyay warbaahinta Christian Science Monitor, ayaa wuxuu ku baaqay inay ciidamad Kenya ka baxaan Somaliya, “Ma jiro xidhiidh saaxiibtinimo oo ka dhexeeya labada wadan, mana arko sabab ay ciidamadu u sii joogaan wadan iyagoo huwan magaca nabad ilaaliyayaal.” Ayuu yidhi Safiirka Somaliya ee Kenya qaabilsani, oo ku hadlaya luuqad diblomaasiyadeed.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa bishii hore ee April baahiyay inay dawladda Somaliya waddo olole diblomaasiyadeed oo ay ku qaadayso wadamo ay u aragto inay xidhiidh la leeyihiin amaba la samaysanayaan Somaliland. Geeska Afrika,  oo soo xiganayay xogo diblomaasiyadeed, wuxuu wakhtigaas sheegay inay dawladda Somaliya si gaar ah u bartilaameedsanayso dawladda Kenya.