Dawladda Somaliya Oo Olole Diblomaasiyadeed Ku Qaaday Wadamada Xidhiidhka La Leh Somaliland

0
608

Picture6Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliya ayaa olole diblomaasiyadeed ku bilowday dalalka xidhiidhka wanaagsan la leh Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay u xusulo xidhatay inay wiiqdo xidhiidhadaas.

Dawladda Somaliya ayaa iyadoo dhinaca kale wada hadal u muuqda inaanu midho dhalayn la wadda dawladda Somaliland, waxa ay haddana geesta kale ku mashquulsantahay dagaal ka dhan ah diblomaasiyadda Somaliland ee dalalka dunida, gaar ahaan kuwa jaarka.

Dalalka ay dawladda Somaliya ololaha ku qaaday waxa ka mid ah dawladda Kenya oo hore u cadaysay inay bishii January ee sannadkan xafiis diblomaasiyadeed ka furan doonto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, furashada xafiiskaas diblomaasiyadeed oo la aaminsanyahay inuu u xayirmay culays ay dawladda Somaliya saartay. Dawladda Somaliya waxa ay Kenya ka codsatay in xafiiska ay ka furanayaan Somaliland uu noqdo mid hoos tagga xafiiskooda Muqdisho ee Somaliya. Lamase garan karo inay dawladda Kenya aqbashay culayska Somaliya iyo in kale.

Sidoo kale waxa ay dawladda Somaliya culays saartay dalal kale oo ay Somaliland xidhiidh wanaagsan la leedahay, kuwaas oo ay culaysyo diblomaasiyadeed ku saareen inay hoos u dhigaan nooca macaamil ee ay Somaliland la leedahay. Laakiin dalalka qaar ayaa la sheegay inay ilaa hadda ka war-wareegayaan dhagaysiga dhawaaqyda dawladda Somaliya.

Masuuliyiinta Somaliland oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino inay la socdaan ayaanay noo suurtogelin, waxase la dareemi karaa inay dawladdu dareensantahay ololaha ka dhanka ah Somaliland ee ay dawladda Somaliya waddo.