Dawladda Somaliya Iyo Qaramada Midoobay Oo Kala Saxeexday Heshiis Qodobadiisa Saxaafadda Laga Qariyay

0
528

Picture6Muqdisho(Geeska)-Dawladda Somaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa shalay kala saxeexday heshiis iskaashi, kaas oo qodobadiisa laga qariyay in saxaafadu aragto.

Heshiiska ayaa waxaa dhinaca Somaliya u saxeexay  Wasiirka Arrimaha Dibedda C/Raxman Ducaale Beyle halka uu qaramada midoobay u saxeexay danjire Nicholas Kay, waxaana goob joog ahaa madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Inkatoo ay Madaxweynaha iyo ergayga Qaramada Midoobay madasha ka hadleen, haddana midkoodna ma soo hadal qaadin qodobada uu heshiisku ka koobanyahay, waxaana laga ilaaliyay inay saxaafadu aragto qodobada heshiiska. Laakiin Xasan Sheekh oo goobta ka hadlay ayaa yidhi  “Waxaan u mahadceinayaa guddigii ka kala socday QM iyo Dowladda oo in muddo ahba ka soo shaqeynayey heshiiskan oo ah mid sii xoojinaya xidhiidhka Somalia iyo QM. Dowladdu waa ka go’antahay dhaqangelinta heshiiskan labada dhinac waa saldhiga wadashqeynta iyo gar-gaarka shacabka Soomaaliyeed.”

Dad badan ayaa aaminsan in qodobada heshiiska la qariyay ay ku jiraan kuwo khuseeya Somaliland, kuwaas oo ka hadlaya sida ay Qaramada Midoobay xafiiskooda Muqdisho oo laga mamnuucay Somaliland uu u waajihi karo arrinta Somaliland. Xubno ka tirsan wasiirada Somaliland oo uu Geeska Afrika, isku dayay inuu xogta ay ka hayaan heshiiskaas wax ka weydiiyo, ayaa ka gaabsaday, waxase ay sheegeen inay warka ku hayaan oo keliya in heshiis la kala saxeexday.

Si kastaba ha ahaate, heshiiskan ayaa ah mid ay fari ku gudontahay islamarkaana ay ku jiri karaan waxyaabo khuseeya Somaliland, maadaama oo ay dawladda Somaliya u muuqato inay dagaal diblomaasiyadeed oo hoose kula jirto dawladda Somaliland.