Dawladda Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Guddoomiyaha Haatuf Media Iyo Tifatirihii Wargeyska Haatuf

0
651

Picture5Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa xidhay guddoomiyihii warbaahinta Haatuf Media Network Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifaftirihii jariirada maalinlaha ah ee Haatuf Axmed Cali Cige, ka dib markii ay shalay maxkamadu bilowday dhagaysiga dacwadda loo haysto wargeyskaas. Dhagaysiga dacwadda oo shalay bilaabmay ayaa waxa gebi ahaanba loo diiday saxaafadda madaxabanaan, waxaana ka sakow madaxda Haatuf, goob joog ka ahaa wasiirada arrimaha gudaha, macdanta iyo tamarta iyo wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo soddoga u yahay oo isagu wakhti kooban goobta soo istaagay, waxaanay qareenada Haatuf difaacayay sheegeen inay maxkamadu ahayd mid afduuban, iyagoo banaanka uga baxay dhagaysiga dacwadda. Qareen Xasan Cali Xasan (Banfas) oo ah qareenka koowaad ee difaacaya wargeyska Haatuf, ayaa garosoraha dacwadda haya iyo maxkamadaba ku tilmaamay mid aan dhexdhexaad ahayn, waxaanu cadeeyay inay banaanka uga baxeen ka dib markii loo diiday hadalka. “Dacwad garsooruhu dhexdhexaad ka yahay muu ahayn, maxkamadda ayaa dhibane ahayd, markaas Haatuf may helin garsoor cadaalad ah. Wasiirka arrimaha guduhu wuxuu maxkamadda dhexdeeda ka yidhi awood ayaan leeyahay, markaas awood sheegasho ayaa ka dhacday ee dacwad sax ahi kamay dhicin, waanan iskaga baxnay markii aanu aragnay afduubka, xeerkii saxaafaddana waa la diiday, waxaana la sitaa xeerkii ciqaabta ee Somaliya.” Ayuu yidhi garyaqaan Xasan.

Qareenka labaad ee Haatuf Cismaan Askar Maxamed, ayaa isna garsooraha dacwadda gacanta ku haya ku tilmaamay nin aan dhexdhexaad ahayn oo tixgelinaya awoodda wasiirada “sababtaas darteed ayaanan uga soo baxnay dacwadda, garsooraha ayaanan ka cabanaynaa oo cabudhin ayuu nagu sameeyay.” Ayuu yidhi qareenka labaad.

Wargeyska Haatuf iyo mataankiisa kale ee Somalilandtimes ayaa albaabada loo xidhay bishii April, ka dib markii uu baahiyay qormooyin musuqmaasuq iyo maamul xumo oo uu sheegay inay ku talaabsadeen wasiiro xukuumadda ka tirsani. aatuf, waxa ka sii horeeyay oo isna xayiran wargeyska Hubaal oo isna dhawr bilood u xayiran xukuumadda Somaliland.

Waa markii u horaysay taariikhda Somaliland ee albaabada loo laabo laba xarumood oo warbaahineed oo madaxbanaan iyo weliba madaxdoodii oo xabsiga lagu guro, waxaanay arrimahani dhacayaan wakhtiga uu talada dalka hayo Madaxweyne Siilaanyo oo wakhtigii uu mucaaradka ahaa xukuumadii hore ee Daahir Rayalae ku cambaarayn jiray cabudhinta saxaafadda.