Dawladda Somaliland Oo Dalka Ka Masaafurisay Hay’ad Turki Ah Oo Lagu Xidhiidhiyay Wadaadka Fethullah Gulen Oo Loo Haysto Inqilaabkii Fashilmay

0
1410

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa dalka ka saartay hay’ad uu lahaa siyaasiga Turkiga ah ee Fethullah Gulen oo  lagu eedeeyay inqilaabkii fashilmay ee Turkiga ka dhacay sannadkii 2016.

Safiirka Turkiga u jooga magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, oo dhawaan safar ku yimid magaalada Hargeysa, lana kulmay Madaxweyne Biixi, ayaa dawladda Somaliland uga mahadceliyay haya’daas oo uu magaceeda ku sheegay FETO.  “Waxaanu soo dhaweynaynaa in Somaliland ay dalkeeda ka saartay Hay’adda FETO, waxaana la wareegtay Hay’adda Maarif Foundation maamulka dugsiyadii ay ururka FETO ku lahaa dalalka caalamka,”ayuu yidhi Danjire Mehmet Yilmaz. Turkiga ayaa wadaadkan iyo ururadiisa u aqoonsaday argagixiso tan iyo wixii ka dambeeyay inqilaabkii fashilmay.

Safiirku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goorta ay Somaliland dalkeeda ka saartay hay’adan. Laakiin danjire Mehmet wuxuu waraaxaafadeedkan oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu, kaga hadlay in hay’adda TIKA ee iskaashiga iyo Isku-duwidda u qaabilsan Turkiga, ay qalab tiradiisu yahay 216 shay ay ugu deeqeen Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo u adeega bukaan aad u badan.

Qalabka dawladda Turkigu ugu deeqday cisbitaalka guud ee Hargeysa, waxa ka mid ah mishiinka lagu baadho xubnaha jidhka, mishiin lagu eego Wadnaha iyo qalab kale oo loogu talogalay in lagu nadiifiyo agabka caafimaadka.

Wakaallada Wararka Turkiga ee Anadolu, waxay intaas ku dartay in Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, uu xafladii qalabkaas lagu kala gudoomayey ka caddeeyey in qalabka Turkigu ugu deeqay uu wax ka tarayo dhinaca horumarinta adeega Caafimaadka.

Dhinaciisana, Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mehmet Yilmaz, ayaa balan-qaaday in dalkiisu sii wadayo caawimada ay siiyaan Somaliland.

Dawladii hore ee Somaliland ayaa hore u diiday dalab uu Turkigu u soo gudbiyay oo ahaa inay masaafuriso hay’adda Nile Academy oo gacanta ku haysay dugsiyo waxbarasho oo kala duwan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here