Dawladda Somaliland Oo Aan Ka Qayb Geli Doonin Shirka Brussles Ee Soomaalida Oo Qabsoomaya Bisha July

25
2959

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa qaadacday inay ka qayb gasho shir la filayay inuu bishan 26 June-28 ka furmo magaalada Brussless ee wadanka Beljamka, kaas oo ku saabsan Soomaalida oo loogu qoondaynayay dhaqaale ay deeq bixiyayaashu ku yabooheen.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegay in Somaliland lagu soo martiqaaday shirkaas, laakiin ay dawladda Somaliland go’aansatay inaanay ka qayb gelin shirkaas. Shirka ayaa la sheegay inuu dib u dhac ku yimid, waxaana la qorsheeyay inuu qabsoomo 16 Julay-17.

Lama hayo faahfaahin ku saabsan sababta ay xukuumadda Somaliland u qaadacday ka qayb galka shirkaas. Laakiin xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidan oo kale diiday inay ka qayb gasho shir noocan oo kale ahaa oo dhaqaale loogu ururinayay Soomaalida oo sannadkii 2014 lagu qabtay dalka Denmark.

Sidoo kale shir 2013 ka dhacay dalka Beljamka oo isna dhaqaale ururin ahaa ayay xukuumadii Siilaanyo isagana diiday inay ka qayb gasho. Waxaanu go’aankan xukuumadda Somaliland ee xiligani noqonayaa markii saddexaad ee ay Somaliland diido inay shirkaas ka  qayb gasho.

Inkastoo aanay xukuumadda Madaxweyne Biixi weli ka hadal shirkaas iyo wararkiisa toona, haddana xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo waxay diidmadeeda shirarkaas hore ku salaysay ka dib markii ay dawladii Soomaaliya ee Xasan Sheekh shirkaas ku soo martiqaaday.

Laakiin go’aanka xukuumadda xilligan ayaa ku soo beegmaya iyadoo bishan ay dawladda Farmaajo dalalka deeq bixiyayaasha ah ku gacan saydhay in Somaliland loo cusboonaysiiyo hab-macaamilka gaarka ah ee loo dejiyay in la soo mariyo mucaawinooyinka Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here