Dawladda Muqdisho Oo Diyaarado Hub Ah Ka Soo Dejisay Madaarka Garowe Iyo Dalka Hubkaas Ugu Deeqay Farmaajo

25
3129

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan u dambeeyay magaalada Garowe ee Puntland soo gaadhsiisay diyaarado sida saanad milatari oo laga soo diray Muqdisho.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali diyaaradahan ayaa saddex maalmood oo toddobaadkii dhammaaday ah waxay goor barqo ah soo gaadheen madaarka Garowe, waxaana markii ay madaarka yimaadeen isku xeeray ciidamo, iyadoo baabuur waaraad ah lagaga dejiyay diyaaradda hubkii saarnaa. Diyaaradahan oo laga ilaaliyay in dadka shacabka ahi u dhawaadaan markii shixnada hubka ah laga dejinayay ayaa waxa la sheegay in hubkaasi yahay hub uu Sucuudigu siiyay dawladda Soomaaliya, oo ay dawladda Soomaaliyana deeq iyo taageero ahaan u siisay maamulka Puntland.

Warku wuxuu sheegay inuu jiray heshiis dhex maray Sucuudiga iyo dawladii Xasan Sheekh oo ah in Sucuudigu hub ku taageero dawladdaas Xasan Sheekh. Markii uu Xasan Sheekh xilka ka degay waxa uu Sucuudigu sii waday inuu fuliyo heshiiskii, waxaanu deeqdii hubka ahayd siiyay dawladda Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxa la iska garan karaa inuu hubkan Puntland u siiyay dagaalka ay Somaliland kula jirto dartii. Waxaanay wargesyo caalami ahi baahiyeen toddobaadkan in Mr. Farmaajo uu doonayo inuu si qarsoodi ah u garab istaago maamulka Puntland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawr goor dawladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in dawladiisu tahay cidda dagaalka ku soo qaaday Somaliland iyadoo adeegsanaysa Puntland.

Geesta kale wargeyska caalamiga ah ee World street journal, ayaa cadadkiisii shalay wuxuu baahiyay warbixin dheer oo ku saabsan xaaladda gobalka Geeska Afrika, waxaanu qayb ka mid ah kaga hadlay hub uu Sucuudigu sannadkan siiyay dawladda Soomaaliya. “Bishii January 103 koontiinar oo aan calaamad lahayn ayaa soo gaadhay dekeda Muqdisho, isagoo ka yimid dekeda Jidda ee Sucuudiga.” Ayuu yidhi wargeysku, waxaanu intaas raaciyay in xogu uu helay ay xaqiijiyeen in hubkasi isugu jiray malaayiin ah rasaasta qoriga Ak-47 oo uu sameeyay dalka China, kuwa qoriga dhishiikaha iyo qoryaha kale ee garabka la saarto. Wuxuu kaloo wargeysku sheegay in toddobaadadan u dambeeyay ay Muqdisho soo gaadheen 57 Koontiinar oo iyaguna hub sida kuwaas oo ka yimid Sucuudiga.

Diblomaasi reer galbeed ah oo wargeyska u waramay oo aan magaciisa la baahin, ayaa isaguna sheegay in hubkan tirada badani muujinayo in gobalka Geeska Afrika uu si fudud u qarxi karo, waxaanu walaac ka muujiyay hubkaas iyo colaadda uu sababi karo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here