Dawladda Maraykanka Oo Malaayiin Dollar Iyo Diyaarado Ku Bixinaysa La Dagaalanka Al-Shabaab

0
948

 

diyaaradoDawlada Maraykanka ayaa diyaarado dagaal iyo lacago farabadan ku bixineysa sidii meesha looga saari lahaa  Al Shabaab.

Sida ay qortay wakaalada Wararka AP oo soo xiganeysa macluumaad sir ah oo ay heshay, Madaxa golaha difaaca ee Pentagon ee dalka Mareykanka Leon Panetta, ayaa waxa u sheegay in ay u soo dirayaan dawladaha Uganda iyo Burundi 45 million oo dollarka Mareykanka iyo Afar diyaaradood oo ah nooca aan cidna wadin ee la yidhaahdo Drones si ay uga hortagaan han jabaadyada ka soo yeedhaysa ururka Al Sabaab.

Mr Panetta ayaa intaa ku daray in sidoo kale ay caawimada  ay ku jirto hub iyo qalab isgaadhsiin ah, waxaana uu shaaca ka qaaday in ay tababar siinayaan ciidamada dowaldaha Uganda iyo Burundi

Madaxa Pentagon ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu intaa ku daray in diyaaradaha, lacagta iyo Agabka kale ay ka caawineyso ciidamada Uganda iyo Burundi dagaalada ay kula jiraan ururka Al Shabaab ee ka socda magaalada Muqadisho.

Pentagon ee dalka Mareykanka ayaa xusay in ay wiiqantay inta badan awoodii ururka Al Shabaab wixii ka dambeeyay markii la dilay hogaamiyahoodii Al Qaacid ee Usama bin laadin.