Dawladda Iyo Madaxda Somaliland Ha Isla Yaabto:- Caydiid Axmed Jaamac (Indha-waranle)

1
1086

Waxaan aad iyo aad ula yaabay dad muslim ah oo ilaahay aaminsan oo haddana meel kasta oo ay fadhiyaan, taagan yihiin  ama soconayaanba ay isku wareejinayaan 20 tan askari oo qori AK47 wada sita oo caloosha shandado ugu xidhan tahay.

Intiinii daawatay maalintii dhawayd ee Madaxweynaha Axmed Mohamed Mohamud  uu furaayay dugsiga SOS ee magaaladda Hargeysa waxaa golihii isku wareejiyay 20 nin oo qoryo sita mid walibana dhinac ayuu eegayaa isaga oo idhahoodu ay dhaafsiisan yihiin dadka.

Bal waxaad ila eegtaan Madaxweyne Ku Xigeenka Cabdiraxman Ismaaciil markii uu kormeerka ku tagay Haya’adaha dawladda, waxaa hortiisa, dhinaciisa yaacayay askar aan ku qiyaasay Lix ilaa Sideed askarioo qorigii AK47 la yaacaya.

Su’aasha aynu haddaba is waydiinaynaa waxay tahay ma waxaa haysa baqdin gaadhsiisay in ay waxaas oo ciidan ah isku wareejiyaan mise waxay yahay in ay tusaan adduun weynaha in ay xoog leeyihiin sidaas darteed ay dadka ku xukumaan qori caaradii.

Aniga runtii aad ayay ii dhibtay ugana murugooday arrintaas iyada ah waxaanaan kula talin lahaa in ay iska daayaan ciidankan dirayska sita ee ay isku wareejiyanayaan naftuna waa amaano oo mar qudha ayay baxaysaa, markaasna ilaahay ayaa og goorta ay tahay.

Haddii ay ka fursan waayaan in ay ciidan hubaysan wataan waxay sharafta wadanka, ta dadka ay xukumayaan iyo tooduba ku jirtaa in ay u galiyaan dhar aan dirayska ciidanka ahayn, oo halkii ay qoriga dheer sidan lahaayeena loo tababaro Baastooladaha.

Comments are closed.