Dawladda Itoobiya Oo Si Taxaddar Leh Oo Kooban uga Hadashay Dhacdadii Dadka Badan Lagu Laayey Deegaanka GAASHAAMO

0
407

Hargeysa (Geeska) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu shalay qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafti ballaadhan oo ka socda dawladda Federaalka Itoobiya, waftigaas oo uu hoggaaminayey wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Regasa Kefalewu, waxa uu ka koobnaa sagaal xubnood oo ay ku jireen wasiirudawlaha beeraha/xoolaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee Itoobiya, Qunsulka Itoobiya u fadhiya Somaliland G. Bereh Tefay iyo masuuliin kale oo sare, waxa aanay kulan ballaadhan qasriga kula yeesheen madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirrada madaxtooyada, xanaanada xoolaha, hawlaha guud iyo ganacsigu.

DSC_0083

Imaanshiyaha waftigan oo sida muuqata ujeedkiisa ugu weyni ahaa arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha ee labada dal oo ay ka mid tahay isticmaalka dekedda Berbera, ayaa dad badani ay u dheg taagayeen waxa ay masuuliyiintan miisaanka leh ee dawladda Itoobiya ka yidhaahdaan dilkii  foosha xumaa ee ka dhacay Gaashaamo. Arintaas oo wasiirudawlaha arrimaha dibadda ee Itoobiya uu si kooban oo taxaddar aad u weyni  ka muuqdo uga hadlay.

“Maanta waxa aanu kulan aad u qiimo badan la yeelannay wasiirrada, xidhiidhka ka leh hawlaha dhaqaalaha, muddo ka horba Somaliland waxa aanu la bilownay xidhiidh dhinaca dhaqaalaha ah iyo heshiisyo ganacsi oo laba geesood ah, sidaa awgeed heshiiskaas ayaa hadda dhaqan gelkiisii bilaabanayaa. Sidaa awgeed Somaliland waa saaxiibbadayo, imikana xidhiidhkaas ayaa aanu meel sare sii gaadhsiinaynaa. Waa in aynu ka faa’idaysannaa horumarka dhaqaalaha. Sida aad wada ogtihiinba Itoobiya muddooyinkii u dambeeyey waxa ay samaynaysa horumar dhaqaale oo xawli ku socda. Waxa aanu ka wada hadalnay sida aanu isaga kaashan lahayn dhinacyo kala duwan. Waxa aanu yeelannay wada hadal aad midho dhal u ah” Sidaas ayaa uu yidhi wasiirudawlaha arrimaha dibadda ee Itoobiya oo ka warramayey socdaalkiisa iyo kulankii uu la qaatay dhinaca Somaliland.

Wasiirka oo la weydiiyey su’aal la xidhiidha dhacdadii GAASHAAMO waxa uu ku jawaabay, “Kuwii dembi galay waxa ay ku qasban yihiin in sharciga la mariyo. Waa aanu baadhi doonnaa waxa aad I weydiisay, runtuna waxa ay tahay haddii halkaas mushkiladi ka jirto sharciga ayaa dhaqso loo marin doonaa”