Dawladda Itoobiya Oo Ku Celisay Inay Dhisanayso Ciidankeeda Badda Oo Saldhigoodu Noqon Doono Badda Cas

26
3435

Dawlada Itoobiya ayaa sheegtey inay qorsheyneyso iney kor u qaado awooda ciidmadeeda oo ay samaysato ciidanka badda.

Sidaas waxaa sheegey taliye ku xigeenka ciidanka difaaca wadankaas. Isagoo la hadlaya wakaalada wararka Itoobiya, General Berhanu Jula waxaa yidhi  “Hogaanka Raysalwasaare Abiy Axmad waxaa uu leeyahay aragti fog oo ah in la dhiso ciidamo badeed ee xoog badan kuwasoo ku hubeysan qalabka casriga ah.”

Burhanu ayaa sheegey in dalka Itoobiya yahay wadan weyn islamarkaana leh ciidamada ugu xooga badan Afrika, sidaas daraateed Ra’isal wasaare Abiy waxaa uu keeney qorshe lagu dhiso ciidamada Badda dalkaan. ” Anagoo og in dalka Itoobiya aanu laheyn Badd, lakiin waxaan aad ugu dhownahay baddda Cas iyo Badweynta Hindiya. Hadda waxaan markhaati ka nahay in dalal badan muujinayaan rabitaankooda inay ciidamo badeed ka dhisaan Somalia sida Jabuuti, Eritrea iyo Puntland, marka anaga maxaa diidaya anagoo 60KM u jirna badaha Soomaaliya.” ayuu yidhi General Burhanu Madaama dalka Itoobiya badeecadaha kala soo dago Badda Cas ma jirto sabab diideysa in aan dhisano ciidamo badeed ayuu ku darey hadalkiisa General Burhanu. ” Waxaan la tashaneynaa dalal kale sidii aan ciidamadeena Badda u dhisi laheyn kuwaasoo Wadamada maamula ciidamada badda ee ku sugan badda Cas iyo Badweynta Hindiya, waa qorshe Istraatiiji ah iney Itoobiya sameysato ciidamo badeed.”

Taliyaha ayaa sheegey in Itoobiya awood u yeelaneyso iney iska difaacdo weerar dibada kaga yimaada haddii la raaco qorshaha Raysalwasaare  Abiy. ” In aan ciidamo Badd geyno badaha nagu dhow waxaa kor u kacaysa saameynta aan leenahay. Wadamo badan ayaa ka imanaya meelo fog oo saameyn ku leh badaha nagu dhow. Waxaan nahay wadan weyn oo dadkiisu gaadhayo 100 million ma jirto sabab aan u sii ahaano wadan aan Badd laheyn.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey ku xigeenka ciidamada difaaca Itoobiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here