“Dawladda Ingiriiska Waxaan Leeyahay Maanta Na Kari Maysid,Dabeecadayada Waad Taqaanaa. Cagta Adiga Ayaa Nagu Hayee Cagta Naga Qaad, Yeynaan kala dhimanin

0
805

Picture3Hargeysa(Geeska):-Xaaji Cabdikariim Xusseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Golaha Guurtida Somaliland, ahna ruug cadaa nabadeed, ayaa si adag uga hadlay  baaqyada ka soo yeedhay qaybo kamid ah wadamada Yurubta iyo Maraykanka kuwaasi oo ku aadanaa in ay xukuumada Somaliland dib uga soo noqoto qabsashada ay ciidamada Somaliland la wareegeen deegaanka Saax-dheer,waxaana uu sheegay in dawlada Ingiriiska iyo Somaliland ay yihiin laba dawladood oo is dhaqan iyo dabeecad yaqaana,isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in dawlada Somaliland aanay Ingiriiska  marnaba ka aqbalayn in ay gudaha Somaliland ka dhex abuurto dawlada kale iyada oo markii horebaa uu yidhi ay ahayd dawladii dhigtay Xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo dalalka la dariska ah.

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa hadal kan ka sheegay mar uu ka hadlaayey dood adag oo ay golaha guurtidu ka yeesheen qabsashada Ciidanka Qaranka ee deegaanka Saax-dheer.“Dawlada Ingiriiska waxaan leeyahay maanta na kari maysid,dabeecadayada waad taqaana,dabeecada Somaliland waad taqaan, kii [Nicholas Kay] dharaartii dhawayd noo yimi ee Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka socday waanu soo dhawaynay,waana aanu wada hadalnay xaqiiqadana waanu u sheegnay oo idinkaa cagta nagu haya yeynaan kala dhimanin,dawlado kalaa  jira, Illaahaybaa jira.yeynaan kala dhimanin Ingiriisoow.Inaga ayaa baho ahayn inaga ayaa isnaqaana naga dag, badhtan kayagii aad adigu xadka noo dhigtay ayaad doonaysaa in aad nagu soo cidhiidhido oo aad waliba damacday in aad dawlad kale ka dhisto”Ayuu yidhi Xaaji Cabdi Waraabe. Xildhibaan Cabdikariim Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“dawladahana adiga ayaa soo hogaaminaaya oo anagu Maraykan iyo Faransiis midna anagu eedayn mayno sababtu waa adiga ,waxaanad helayna ha ku haraadin,dabeecadayada waad taqaan,ka daa! Dawlad fiican baad ahayd ,dawlad aan guryaha galinbaad ahayd, dawlad aan dadka dhibin baad ahayd dhirbaaxada,labada dhirbaaxo ee aynu kala ridanay ka soo noqo, waa isdabeeco naqaan,waxaan adiga kugu dhaafayaa cagta adiga ayaa nagu hayee cagta naga qaad”Ayuu yidhi Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) .