Dawladda Ingiriiska Oo Cadaysay Inaanay Dawladda Somaliya Toos Gacanta Ugu Gelin Caawimada

0
614

Picture3London(Geeska)-Waaxda horumarinta caalamiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska, ayaa cadaysay inaanay dawladda UK si toos ah u siinin wax dhaqaale ah dawladda Somaliya balse ay u mariso ururada caalamiga ah.

Baroness Northover,  oo ah Afhayeen ka tirsan waaxda horumarinta caalamiga ah u qaabilsan dawladda Ingiriiska, ayaa su’aal toddobaadkan lagu weydiiyay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska oo ah sida ay UK u caawiso dawladda Somaliya iyo nooca horumarineed ee ay siiso, waxa ay ku cadaysay inaanay jirin deeq si toos ah dawladda gacanta loogu geliyo., “Dawladda Ingiriiska waxa ka go’an kor u qaadista ammaanka, degenaanshaha iyo in bulshada Somaliya la gaadhsiyo adeega dawladda.” Ayay sarkaaladani tidhi, waxaanay intaas raacisay “Dhaqaalaha si toos ah looma siiyo dawladda Somaliya. Taageerada Ingiriiska, waxa inta badan la mariyaa hay’adaha caalamig ah sida Qaramada Midoobay, ururada aan dawliga ahayn iyo bixiyayaasha adeegyada gaarka ah.”

Hadalkan ayaa tusaale u ah sida aanay wadamada reer galbeedku weli u aaminsanayn nidaamka xisaabeed ee Madaxweyne Sheekh Maxamuud iyo dawladiisa. Waxaanay wadamada reer galbeedku muddooyinkan u dambeeyay aaminsanyihiin in musuqmaasuq iyo boob badani ka jiro dawladda Xasan Sheekh.