Dawladda Ingiriiska Oo Balan Qaaday Inay Soo Dirayso 60 Goob-Jooge Oo Culus Oo Kormeera Doorashada Madaxtooyada Somaliland

0
735

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa balan qaaday inay 60 ergay oo xoogan oo caalami ah u soo diri doonto doorashada madaxtooyada Somaliland si ay u kormeeraan doorashadaas November la qorsheeyay inay qabsoonto.

Sidaas waxa ku dhawaaqay wasiirul dawlaha Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka barwaaqo sooranka Rory Stewart oo toddobaadkan Baarlamaanka Ingiriiska kaga jawaabay su’aal uu weydiiyay  xildhibaan Stephen Doughty oo nuxurkeedu ahaa doorka Ingiriiska ee hawlgalada doorashada iyo kormeerka doorashadaas madaxtooyada Somaliland.

Wasiir Rory Stewart, wuxuu isagoo ka hadlaya mawqifka Ingiriiska uu yidhi “Dawladda Ingiriisku 2.18 Milyan oo lacagta Ingiriiska ah ayaa ay ku bixisay qorshayntii, diyaarintii iyo gaadhsiintii diiwaangelinta codbixiyaha Somaliland ee loo adeegsanayey qalabka sawirka indhaha.

Dad tiradoodu ka badan tahay 870 kun oo in kala badh ka badani ay dumar yihiin ayaa is diiwaangeliyey.  Dawladda Ingiriisku waxa kale oo ay bixinaysaa 1.4 Milyan oo Gini oo dheeraad ah. Lacagtaas waxaa lagu maalgelinayaa taageeridda guud ahaan hawlaha doorashada ee kala duwan, oo ay ka mid tahay wacyigelinta iyo waxbarashada madaniga ahi.

Waxa kale oo uu Ingiriisku bixinayaa 202 kun iyo 17 doolar (202,017) oo ah kharashka ku baxaya 60 ergo caalamiya oo xooggan ah, oo Korjooge/goobjooge ka noqda doorashooyinka waqtigoodii ka dib dhacay ee madaxtooyada Somaliland oo imika la qoondeeyey in ay dhacaan bisha Noofambar 2017.

Dawladda Ingiriisku 26kii Jeenaweri 2017 waxa ay caddaysay in aanu jiri doonin dhaqaale uu Inigiriisku ku bixin doono kharashaadka dheeraadka ah ee ka dhasha dib u dhacyada doorashada ku yimid.”