Dawladda Ingiriiska Oo Aaminsan In Somaliland Oo Ay Aqoonsataa Aanu Macne Samaynayn, Balse Ay Qaadanayso Wuxuu Midowga Afrika Go’aamiyo

0
582

Hargeysa(Geeska)-Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan dalkii hore la isugu odhan jiray Somaliya ee hadda u kala qaybsan Somaliland iyo Somaliya Ms. . Harriet Mathews, ayaa xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska ku tilmaantay mid taariikhi ah, taasina ay sababayso in Ingiriisku Somaliland la yeesho xidhiidh gaar ah.

1

Ms.  Harriet Mathews, oo dhawaan su’aalo lagu weydiiyay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa waxa la weydiiyay doorka dawladda Ingiriiska ee diiwaangelinta, aqoonsiga Somaliland iyo xafiiskooda Hargeysa iyo weliba doorashooyinka soo socda ee Somaliland.

Waxay  Harriet Mathews  sheegtay in Ingiriisku xafiis khuseeya arrimaha Somaliland ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo ka shaqeeya iskaashiga labada dal, waxase ay xustay in safaaradda Ingiriisku ku taalo magaalada Muqdisho.

Ms. Harriet Mathews, waxay sheegtay in dawladooda Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Denmark ay gacan ka gaysteen diiwaangelinta cod bixiyayaasha Somaliland iyadoo qalabka la adeegsanayo ku tilmaantay mid casri ah oo ku yar dunida, “Waxa kale oo aanu dawladda Somaliland kala shaqaynaa arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada iyo ammaanka iyo sidoo kale abaartii u dambaysay. Xidhiidhkayaga Somaliland waa mid qoto dheer. Markaan Somaliland eego, waxay tusaale cajiib ah u tahay halka ay gaadhi karto inta kale ee Somaliya.”

Haweenaydan safiirada ah oo ka hadlaysa Mawqifka Ingiriiska ee aqoonsiga Somaliland, waxay tidhi, “Marka laga hadlayo Ingiriiska, mawqifkayagu aad buu u cadyahay. Waxaanu doonaynaa inaanu raacno wuxuu Midowga Afrika yidhaahdo. Haddii aanu nidhaahno waanu aqoonsanay Somaliland, wax macnaa ma samaynayso. Waa inay qayb ka noqotaa wada hadalada, waxaanan ogahay inay jiraan wada hadalo u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho oo aanu aad ula socono.”