Dawladda Imaaraadka Oo Sheegtay In Ciidamo Ay Ka Joogaan Soomaaliya Iyo Sababaha Ku Kallifay

0
747

Washington (Geeska)- Danjiraha dalka Imaaraadka u fadhiya Maraykanka ayaa ka hadlay iskaashiga milateri ee ka dhexeeya dalkiisa iyo dalka Maraykanka, isaga oo xusay in joogitaanka milateri ee Imaaraadku dhowaanahan ku leeyahay Soomaaliya uu qayb ka yahay iskaashigaas iyo garab siinta ciidamada Maraykanka si loola dagaalamo waxa loogu yeedho argagaxisada.

Danjire Yuusuf Al-Cutayba ayaa arrimahan ku soo qaaday hadal lagu beegay munaasabadda xuska wada xaajoodka milateri ee Maraykanka iyo Imaaraadka iyo hawlgal la filayey in 25 illaa 30 khubaro milateri oo sare oo Maraykan ahi ku yimaaddaan Imaaraadka si ay ugala qayb qaataan dhoolla tus qorshaysnaa balse dib u dhac ku yimid sababo dhianca cimalada ah awgeed. Waxa uu sheegay in ay dhowaanahan Maraykanka ka wada xaajoonayeen cabsida iyo khataraha ay labada dal wada-jirka u waajahayaan iyo sidii wax ka qabashadooda ay isaga kaashan lahaayeen.

Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Washington waxa uu sheegay in iskaashiga Maraykanka iyo Imaaraadku uu yahay mid xooggan oo lagula dagaalamayo argagaxisada iyo waxa uu ugu yeedhay cadawga.

Safiirka oo  faahfaahinayey iskaashiga milateri ee Imaaraadka iyo Maraykanku waxa uu sheegay in dalkiisu uu ballan qaadayo in uu si run ah oo adag u garab istaagayo dalalka ay xulafada yihiin. Waxa aanu ku faanay in uu dalkiisu yahay dalka Carbeed ee keliya ee Maraykanka kala qayb galay lix is xulafaysi milateri muddadii 25 sano ahayd ee laga soo gudbay.

Al-Cutayba waxa uu sheegay in muddo laba iyo toban sano ka badan ay Ciidamo Maraykan iyo Imaaraad ah iska barbar dagaalamayeen dalalka Afganistan, Koosofo, Soomaaliya iyo Liibiya, isaga oo arrimahaas sii sharraxayana waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aanu dalkayaga ku martigelinnay 4 kun oo ciidamada Maraykanka ka mid ah oo deggen saldhigga ciidamada Cirka ee Dufra oo ku yaalla Imaaradda Abu Dhabi iyo dekedda Jabal Cali oo ah dekedaha ugu badan ee ay maraan ama ku degaan ciidamada Maraykanka, ee ka baxsan xuduudka Maraykanka” Safiirka oo sii wata hadalkiisu waxa uu yidhi, “Iskaashigaas sannadaha badan kalsoonida ku soo dhisnaa ee aanu Maraykanka la leenahay, waxa uu xoojiyey ciidamada milateri ee Imaaraadka, illaa ay gaadheen heer ay noqdaan xoog iskood si madax bannaan u hawlgeli kara”

Danjiruha oo tusaalaynaya awoodda ciidamada Imaaraadku waxa uu intaas ku sii daray, “Duqayntii ugu horreysay ee cirka ah ee lagu qaado DAACISH dalka Suuriya, waxaa fuliyey gabadh u dhalatay Imaaraadka oo duulinaysay diyaarad milateri oo Imaaraadku leeyahay”

Dhinaca kale safiirku waxa uu sheegay in ay hadda ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, iyada oo ay ujeedadoodu tahay in dagaal la’ la galo Al-Shabaab, “Waxa aanu hadda joognaa dhulka Soomaaliya, si aanu dagaalka ugu rarno dhanka Al-Shabaab iyo ururrada kale ee xagjirka ah”

Dhinaca kalana waxa uu sheegay in ay dalka Yemen geeyeen ciidamo uu sheegay in ay ka caawinayaan soo celinta dawladda sharciga ah iyo ka hortagga farogelinta Iiraan ku hayso gacanka Carabta.

Danjire Al-Cutayba waxa uu ka jawaabay arrinta ugu muhiimsan ee ay dad badani is weydiinayaan ee ah sababta ay u dagaalamayaan Imaaraadku maxay tahay, waxa uu sheegay in Imaaraadku uu yahay cidda hadda kadib loo daba fadhiisanayo Bariga Dhexe.