Dawladda Hoose Iyo Xildhibaan Nacnac Oo Baneeyay Jidadka Degmada Ibrahim Koodbuur

0
553

Picture3Hargeysa(Geeska)-Dawladda hoose ee Hargeya oo uu weheliyo xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa shalay olole waddo banayn ah ka sameeyay degmada Ibrahim Koodbuur.

Ololahan waxa lagu baneeyay jidad ay dad shacabi ahi si sharco darr ah u seesteen, waxaana dawladda hoose ka socday xildhibaan Axmed Daahir iyo guddoomiyaha degmada Ibrahim Koodbuur. Xildhibaan Axmed Daahir ayaa shacabka magaalada Hargeysa ugu baaqay inay ilaaliyaan jidadka magaalada si ay caasimadu u noqoto mid bilic leh.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo hawlgalkaas ku weheliyay golaha deegaanka Hargeysa oo isna halkaas ka hadlay ayaa dawladda hoose ku bogaadiyay qorshaha ay ku banaynayaan jidadka magaalada ee la xidhay, “Waxaan ku hambalyaynayaa dawladda hoose jidadka ay banaynayaan, magaalada oo dhan waa in sidaas loo baneeyaa jidadka la xidhay qofka uu doono ha mare, dadweynahana waxaan ugu baaqayaa inay ilaashadaan waddooyinka oo aanay guryo iyo seesas ka dhisan.”

Waddooyinka degmadaas ee la seestay ayay dhammaantood banaysay cagafta ay dawladda hoose leedahay iyadoo ay masuuliyiintani horkacayeen.

Xildhibaan Nacnac, ayaa inta badan ka qayb qaata hawlaha arrimaha bulshada ee gobalka Marodi-jeex sida dhismaha waddooyinka iyo wax u qabashada mujaahidiintii dalka iyo dadka tabaalaysan ee reer Hargeysa.