Dawladda Farmaajo Oo Deeq-Bixiyayaasha Ka Dalbatay Inay Joojiyaan Hab-macaamilka Gaarka Ah Ee Somaliland Deeqaha Loo Soo Mariyo

56
4774

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Soomaaliye ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa guclo iyo orod ugu jirta inay dalalka deeq bixiyayaasha ah ku qanciso inay joojiyaan hab macaamilka gaarka ah ee loo qoondeeyay in Somaliland si gaar ah loogu siiyo muwaacinooyinka ee loo yaqaano Somaliland Special Arrangement (SSA).

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysalwasaarihiisu ay dalalka deeq bixiyayaasha ah ka codsadeen inay joojiyeen habkaas gaar ah ee SSA oo ah in dariiq gaar ah loo mariyo mucaawinooyinka Somaliland. Waxa ay madaxda Soomaaliya sida uu warkani sheegay deeq bixiyayaasha ka codsadeen in haddii uu habkani sii soconayo ay tahay inay iyagu ogolaadaan.

Dalalkan reer galbeedka iyo Midowga Yurub oo uu fadhigodu yahay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaan la garanayn go’aanka ay ka qaateen dalabka dawladda Soomaaliya.

Laakiin dawladda Somaliland ayaa maalmo ka hor magaalada Nayrobi u dirtay wefti wasiiro ah oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, kuwaas oo kulamo la soo yeeshay dalalka deeq bixiyayaasha ah ee lacagaha ku shubi jiray hab macaamilkan gaar u ahaa Somaliland. Ma cadda in wasiiradan Somaliland ay u tageen Nayrobi ka hortagga qorshahan iyo in socdaalkoodu la xidhiidho hawlo kale.

Habkan gaar ah ee ay dalalka deeq bixiyayaashu u dejiyeen Somaliland ayaa waxa uu hirgalay sannadkii 2013 markii uu dalka Belgiium ka qabsoomay shir loogu magac daray New Deal oo lacago loogu yaboohay guud ahaan Soomaalida, kaas oo aanay Somaliland ka qayb gelin.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa talaabadan dawladda Soomaaliya ku macneeyay cadaawad  ka dhalatay heshiiska saddex geesoodka ah ee dekedda Berbera ee dhex maray Somaliland, Dp world iyo Itoobiya. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa mucaaradada ay dawladda Soomaaliya kala hortagtay heshiiska dekedda Berbera wuxuu ku macneeyay in Soomaaliya taagantahay “maxay Somaliland u noolaanaysaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here