Dawladda Djibouti Oo Wada Tashi Ku Saabsan Kulanka Biixi Iyo Farmaajo Ugu Yeedhatay Xasan Sheekh Maxamuud

30
4176

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Djibouti ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu yeedhay wada tashi ku saabsan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo kulanka la filayo inuu dhex maro madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele uu dhawaan madaxtooyada ku qaabilay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ujeedada socdaalkiisa Xasan Sheekh ay la xidhiidhay inuu Djibouti iyo Madaxweyne Geele tallo ka siiyo kulanka ugu horeeya ee ay Djibouti isugu keenayso labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya.
Waxa kale oo la sheegay in Xasan Sheekh oo hadda ku noqday dalalka Kenya iyo Tansaniya oo uu markii hore ka soo kicitimay uu tallo ka bixiyay waxyaabaha keeni kara inay isku soo dhawaadaan Somaliland iyo Somaliya ee ay wejiga hore ku heshiin karaan, si loo abuuro saaxad la isku kalsoonaan karo.
Warku wuxuu intaas ku daray in Djibouti ay dhawaan gaadhi doonaan wufuud ka socota Somaliland iyo Somaliya oo gogol xaadh u noqon doona kulanka labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya oo aan weli taariikhda uu qabsoomi doono la cayimin.
Inkastoo aanay noqonayn markii u horaysay ee ay madaxweynayaal ka socda Somaliland iyo Somaliya ku kulmaan dalka Djibouti haddana kulankan ayaa ka duwan kulamadii hore waxaana la filayaa inay labada madaxweyne sii ambo qaadaan wada hadaladii Hargeysa iyo Muqdisho ee istaagay. Madaxweyne Geele oo dareensan culayska uu kulankani leeyahay iyo weliba guusha diblomaasiyadeed ee dalkiisa uga soo hoyan karta ayaa u muuqda inuu diyaar garow ugu jiro sidii uu kulankaas dhex maraya Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo u noqon lahaa mid midho dhala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here