Dawlada Qatar Oo Ka Jawaabtay Eedda Diblomaasiyadeed Ee Dalalka Sucuudiga, Baxrayn Iyo UAE

0
468

Picture3Dawlada Qadar ayaa jawaab ka bixisay eedayntii uga timid wadamada Sucuudiga, Imaaraadka iyo Baxrayn, ee ahayd inay farogelin ku hayso siyaasadda gudaha ee wadamadaas.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Qadar Khalid bin Mohamed Al Attiyah oo safar ku jooga magaalada Paris ee dalka France, ayaa saxaafadda u sheegay in dalkiisa u madax banaanyahay Siyaasadooda ku aadan caalamka.

Wasiirka Qadar ayaa ku tilmaamay eedaynta dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn kuwo aan la xidhiidhin wax farogelin ah oo wadanka Qadar geystay, balse ay salka ku heyso kala aragti duwanaasho ku saabsan dhanka siyaasada calaamiga ah.

Wuxuu Wasiirka sheegay in dowlada Qadar ay ka xuntahay in dalalkaasi safiiradii kala baxeen magaalada Doxa, balse wuxuu sheegay in siyaasada wadanka Qadar aanay  marnaba wax gor gortan ah geli karin.  “Siyaasadayadu waa mid fur furan oo aan cidna takooreyn..” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada ee Qadar Khalif Al Attiyah oo sheegay inaanay cid si gaar ah u faquuqi doonin, hadalkaasi oo la filayo inuu ka wado ururka Ikhawaanul Muslimiin oo la sheegay inuu taageero ka helay dowlada Qadar.

Murranka u dhaxeeya Sucuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa sii xoogeystay wakhtigii dowladii Maxamed Morsi ee Masar xukunka laga tuuray, Sucuudiga yo Imaaraadka ayaa dhaqaale badan ugu deeqay Militariga Masar ee afgambiga sameeyey.