“Dawlad Xumo Ayaa Ina Haysata; Dawlad Xumadaas Sidaynu Iskaga Qaadi Lahayna Waa 13 Nov.”

26
2982

Cabdiqaadir Jirde Oo Beeniyay Hadal Uu Ka Baahiyay Wakiilka SL Ee Washington

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha kumeelgaadhka ah ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiqaadir Ismaacil Jirde, ayaa taageerayasha xisbigaas kula dardaarmay inay meesha ka saaraan waxa uu ugu yeedhay dawlad xumo Somaliland daashatay, waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqay inay maanta codkooda ku taageeraan iyaguna ay daacadnimo ugu shaqayn doonaan.

Waxa uu meesha ka saaray in ay jiraan masuuliyiin uu ka mid yahay oo iska casilaaya Waddani waxaanu sheegay inay jiraan masuuliyiin xisbiga Kulmiye ka tirsan oo u soo socda dhanka xisbiga Waddani,waxaanu shacabiga balan alle ugu qaaday inay xooga saari doonaan dawladwanaag iyo dal inta hoose la taageero, waxaana isaga oo khayriyada Hargeysa taageerayaasha xisbiga Waddani uga khudbadaynaayay uu yidhi “Halkan waxaanu hanbalyo uga diraynaa wasiirkii gartay inuu doonidii dalooshantay ka dago ee Kulmiye, aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa ninkaas garashadiisa isticmaalay ee u dulqaadan waayay xumaantii uu arkay ee shacabka lagu hayay iyo waxii la’la maaqnaaba.”

Cabdiqaadir Jirde oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Arinta kaadhadku waa mid muhiim ah kaadhadhkiina ilaashada kaadhkaaga qofna ha ku aaminin, kaadhkaaga maalintaas xejiso, waxyarbaa inoo hadhay ee xejiso, umaddaha qaarkood Alle abaar ayuu ku salidaa, qaar duufana ayuu ku salidaa, qaarna dawladxumo ayuu ku salidaa waxa ugu liita kuwa dawlada xun oo dawlada xun lagama soo kabto maanta jaanis ayaynu haynaa in aynu dawladaas xun sagootino, abaarta alle ayaa la baryaa diinta ayaa loo noqdaa cudurka aan laga bogsan karin ee umaddaha ragaadiya ee  toobada seejiya iskuna dira ee dagaalka ka dhex ridaa waa dawlad xumo, dawlad xumo ayaa ina haysa dawlad xumadaas sidaynu iskaga qaadi lahayna waa 13 Nov, u soo diyaargarooba oo u adkaysta, waa laydinka xanaajin doonaa, waa laydin jidhjiidhi doonaa u adkaysta anaguna waxaanu balan idiinka qaadaynaa codkiinaas aad sanduuqa ku rideen in aan la khiyaamayn oo aanu ilaalino hadaanu nahay xisbiga Waddani iyo komishanka, qiil waxay ka dhigtaan hebelbaa xisbiga ka baxaaya, sow i wada arki maysaan oo idinma hortaagni nin safiir ah oo Washington inoo fadhiya oo ay xafiiskiisa intaas oo milyan oo dollar ku baxdo ayaa bar uu leeyahay waxa uu ku qoray Cabdiraadir ayaa Waddani ka baxaaya oo Kulmiye galaaya, Suldaan Saleebaan oo aad garanaysaan oo salaadiinta waaweyn ee Boorama ah ayaa la soo galiyay waa uu ka baxay oo Kulmiye ayuu galayaa, waar alle ka yaaba sidaas cod laguma helo beenta ha dhagaysanina iyaga ayaa imika codsiyo soo wada qoranaaya  iyaga ayaa soo socda oo soo dhawo, qaarbaan xafiisyada tagin, qaarbaa nala soo hadla oo yidhaahda waar ilmaadeerayaal baritoole na ogaada, idimaanan caayi jirine, xumayn mayno xidh-xidhimayno ka wanaagsana shaqo ayaanu siin doonaa, waanu soo dhawaynaynaa.”

Cabdiqaadir Jirde oo hadalkiisa waxa uu ku soo

gabogabeeyay”waxa inoo balan ilaahay ah inaad maalintaas codkiina na siisaan anaguna aanu daacadnimo idiinku shaqayno in aanan idiin kala hiilin inaan wadanka midayno, Somaliland la wada leeyay inaan soo calino, Somaliland aan la kala suntan inaan soo calino, Somaliland dadka u naxda oo sicir-bararka la dagaalanta inan soo calino,in danyarta hoos loo eego oo lacagtaas la lunsanaayo ee malaayiinta ah aanu dadka u soo celino, inaanu mushaharada u kordhino danyarta,shaqaalaha hoose iyo ciidamada,waxaanu balan qaadaynaa in tacliinta la tayeeyo oo iskuuladii dawlada oo baaba’ay oo laga yaacay, oo dadkii wax haystay ay caruurtooda dugsi gaar loo leeyahay gaystaan oo askarigii mushaharka yaraa aanu haysan meel aanay caruurtiisu wax ka baran, in aanu dalkani kala reerna ku kala sarayn hantina ku kala sarayn Somaliland mid ah oo siman oo la wada leeyahay oo aad kow ka tihiin inaanu dhisno noo hiiliya idinkuna, codka noogu yabooha, balan alle ayaanu idinka qaadaynaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here