Dawlad Xashiishka Dalkeeda Dibadda U Dhoofisa Oo Qiime Aad U Sarreeya Lagaga Iibsado

0
936

Qaahira (Geeska)- Dawladda Shiinaha ayaa dalka Masar ka iibsata qashinka oo ay dib u warshadayso si ay warshadaha dalka Shiinuhu u warshadeeyaan, kana sameeyaan waxsoosaar badan o oay ka mid yihiin kabo, dharka ciyaaraha, sharabaaddo, qalabka carruurtu ku ciyaarto iyo xitaa qalabka korontada loo isticmaalo ee balaastiga ah.

Dr. Hisaam Shariif oo ah agaasimaah fulinta ee shirkadda Tawaasun ayaa mar uu warbaahinta uga warramay Qashinka loo dhoofiyo dalka Shiinaha waxa uu ku sheegay in dib-u-warshadaynta qashinka oo aanay masar awoodayn dhaqaalaha badan e ay u baahan tahay awgeed uu ka faa’idaysto dalka Shiinaha oo leh warshado waxsoosaarkoodu dunida oo dhan gaadho.