Dawlad Muwaadiniinteeda U Ogolaatay In Ay Isu Soo Sharraxaan Xilaka Wasiirnimada Iyo Kaalinta Internet Ka

51
4667

Baqdaad (Geeska)- Xafiiska raysalwasaaraha la magacaabay ee dalka Ciraaq Caadil Cabdi Almahdi ayaa ku dhawaaqay in xilalka wasiirnimo ee xukuumaddiisu ay noqon doonaan kuwo la isu soo sharraxo. Xafiiska raysalwasaaraha ayaa daahfuray bog internet ka ah oo muwaadiniinta fursad u siinaya in ay muddo laba maalmood gudaheeda ah ku soo gudbiyaan codsiyadooda murashaxnimada xilalka wasiirnimada.

Warmurtiyeed uu xafiiska raysalwasaaruhu kaga hadlay tallaabadan uu nooceedu dhifta yahay, ayaa uu ku yidhi, “Cabdilmahdi waxa uu amray in dhammaan xilalka u sarreeya xukuumaddiisu ay noqdaan kuwo ay muwaadiniintu rag iyo dumarba si furan isugu soo sharraxaan, si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada ku cad dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka” warmurtiyeedku waxa uu intaas ku daray in waraaqaha codsiga murashaxnimada la soo marin doono bogga internet ka laga sameeyey, maalmaha salaadada arbacada iyo khamiista maanta.

Madaxweynaha dhowaan la doortay ee dalka Ciraaq Barham Saalix, ayaa horraantii toddobaadkan xilka raysalwasaaraha u magacaabay  Caadil Cabdilmahdi, waxa aanu faray in uu dhismaah xukuumaddiisa ku soo dhammaystiro waqtiga uu dastuurku u xaddiday oo ku eeg bisha noofambar ee foodda innagu soo haysa.

Raysalwasaarihii hore ee Ciraaq Xaydar Alcabaadi ayaa isaguna sidan oo kale mar sameeyey daaqad Internet ka ah oo ay iska diiwaangelin karaan murashaxiinta xisbigii uu markaa sameeyey uga qaybgelaysay doorashada baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here