“Dastuurka Dalku Ma Ogala Inay Ganacsi Galaan Madaxweynaha Iyo Qosykiisu Inta Uu Xilka Hayo, Qodobka 85 Ayaana Qoraya” Xuseen Axmed Caydiid

0
561

Hargeysa(Geeska)-Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah hoggaamiyayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa xukuumada ku dhaliilay in jid loo samaynayo hudheelka ay dhisanayso marwada madaxweynuu loo dumiyay deyrar ay xaafado leeyihiin.

Waxa uu Xuseen Axmed Caydiid uu sheegay in dastuurka dalku uu dhigaayo in aanay wax ganacsi ah ka qaybgali karin madaxweynaha iyo qoyskiisu inta ay xilka hayaan, waxaanu ka sheekeeyay maayar  1970-kii wado laami ah u samaystay gurigiisa oo xukuumadii kacaanku inta ay ka fadhiisatay xilka ay ka qaaday.

Xuseen Axmed Caydiid oo ugu horayntii ka hadlaayay masuuliyiin xisbiga Waddani laga xidhay waxa hadaladiisa ka mid ahaa "Masuliyiin sare oo xisbiga ka mid ah oo laba ah, xoghayihii heerqaran ee garabka dhalinyarada xisbiga Waddani iyo guddoomiyahii heerqaran ee garabka dhalinyarada labadaas xubnoodba waa ay xidhan yihiin, waxaana aanu maqlaynaa in la rumaan gareeyay, masuuliyintaas waxaanu qabnaa in ay shaqadooda gudanayeen markii la qabtay, xarunta gobalka ayaana ay joogeen, dawlada hoose wado ay banaynaysay ayaa dadkii dayrarka iyo meherado yar yar oo halkaas ku yaalay lahaa ay sameeyeen is-hortaag, masuuliyiinta xisbiyada qaranku waxay leeyihiin dhowrsoonaan.  masuuliyiintaasi ilaa shalay (Doraad) waa ay xidhan yihiin waanuna u aragnaa inay u xidhan yihiin mucaaradadaas ay yihiin iyo meel laga tirsanaayo in cadaalad daro lagu banaynaayo oo ay isa soo agtaageen,qofka la xidhaa waxa uu xaq u leeyahay in la booqdo oo raashin iyo cunto loo geeyo, waxa cad in booqashadiina loo diiday."

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"1970-kii dawladii kacaanka ahayd, nin markaas maayar looga dhigay Muqdisho oo aan filaayo inuu golihii sare ee kacaanka ka mid ahaa ayaa markii maayarka laga dhigay wado laami ah intuu dhisay ayuu gurigiisii geeyay. Golahii sare ee kacaanku intay fadhiisteen ayay xilkii ka qaadeen ninkii,nasiibdaro waxaynu maanta arkaynaa guri madaxtooyada laga leeyahay ayaa wadadaas la marinayaa iyada oo aanay u muuqan inay mudnaanta koowaad leedahay oo ay wadooyinkii Ingiriiskii laamiga ahaa ay mudnaanta koowaad ka leeyihiin,  waxay ahayd in maayarkaas la eryo marka uu halkaas wadada marinaayo nasiib daro cida shaqadaas qaban lahayd waa ta danta loogu fulinaayo, dhismaha halkaa ku yaala ee xoraystay women's club-kii  ee lagu qurxinaayo hantidii umadda, cadaalad darada ka dhacaysee kale waxa weeye marka dayrarkii qaarna laga tago qaarna la dumiyo maxay noqonaysaa, aqalkaas aan ka hadlaayo iyo xafiiska Kulmiye ee ka soo horjeedaba dayrkooda wadada ku jira marka laga baydhay ee kuwii shacabka la jiidhsiinaayo maxay cadaalada halkaas taala noqonaysaa, dadweynoow halka taladiinii laga soo goynaayo waad aragtaan, cadaalad darana intaas kaga taamilo qaado in laga booday labada dayr ee xisbiga Kulmiye iyo aqalkaas ay marwadu qurxisanayso."

Ugu danbayntii Xuseen Axmed Caydiid waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday"Dastuurka dalku ma ogala inay ganacsi galaan madaxweynaha iyo qosykiisu inta uu xilka hayo, qodobka 85 ee dastuurka ayaa inoo tilmaamaya , waxa aynu ognahay ganacsiyo faro badan oo kan aynu ka hadlayno (Hudheelka) iyo macdarka Berberiba ay ka midka yihiin ee macdaarada kale dheeraaday in taarikada gaadhiga la siiyo maalinta macdaarka gaadhiga laga iibsanaayo, halka kuwa kalena maalinta ay dekeda ka baxayaan la siiyo lanbarka, Somaliland waxaanu u sheegaynaa in cadaalad danbe oo la dhawrayaa aanay jirin ee ay kama danbaystii marayso, umadda waxaanu leenahay tashada, xisbiga Waddani waxa uu balanqaadayaa hadii xisbigu uu talada dalka qabto, inuu waxaas wax weyn ka badali doono oo uu ka dabotagidoono in isku galgaladkaasi aanu dib u dhici doonin oo waxbadana dib laga saxi doono."