Daraasad Sheegtay In Kalsoonidii Shacabka Soomaaliya Ku Qabeen Farmaajo Ay Si Weyn Hoos Ugu Dhacady

51
3337

Daraasad laga sameeyay lix gobol oo ka tirsan Soomaaliya ayaa lagu ogaaday in madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedayada ay lumiyeen kalsoonida shacabka.

Daraasaddani oo ay sameeyeen hay’adaha Ipsos Limited iyo Farsight Africa Research ayaa muujineysa in 48% ay rumeysan yihiin in waddanka uu ku socdo jihada saxda ah.

Balse waxaa jira kala duwanaansho goboleed, sida gobalka Banaadir, oo ku yaal magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasi oo 34% muwaadiniinta ku nool ay rumeysan yihiin in waddankaasi uu ku socdo jiha khaldan.

Aragtidan dadka gobolka Banaadir ayaa ku saleysan arrimaha la xidhiidha amni darrada, musuq-maasuqa, si xun u isticmaalka dhaqaalaha iyo weliba gaabiska ku yimid kobaca dhaqaalaha dalka.

Sida lagu sheegay natiijada daraasaddani, 42% muwaadiniinta Soomaaliya ayaa dareensan in sanadkii la soo dhaafay waxba aanay ku kordhin dhaqaalaha dalka.

Heerka kalsoonida ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku qabaan madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa aad hoos ugu dhacday.

Sida ku cad daraasaddani, sannad gudahiis ayay 19% hoos u dhacday kalsoonidii madaxweyne Farmaajo ay ku qabeen shacabkiisa, iyadoo sanadkii 2017-kii, heerka kalsoonida madaxweynaha ay mareysay 86%, balse haatan ay tahay 67%, tan oo weli ah tiro aad u sarreysa marka la barbardhigo inta badan madaxda dunida.

Sidoo kale, kalsoonida ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre ay ku qabaan shacabka ayaa hoos u dhacday oo gaadhay 62% halka sanadkii 2017-kii ay ahayd 83%. Kalsoonida ra’iisul wasaaraha ayey daraasadda sheegtay inay hoos u dhacday 21%, Kalsoonida ay shacabku ku qabaan golaha wasiirada ee ra’iisalwasaare Kheyre ayaa sidoo kale hoos u dhacday marka loo eego sanad ka hor oo ay ahayd 86% halka haatan ay ka tahay 49%. “Hoggaamiyeyaasha dowladda ayaa si dhakhso ah u luminaya kalsoonida shacabka. Waa muhiim ah in wax laga qabto meelaha aan shaacinnay in dowladdu ku lumisay kalsoonida shacabkeeda, si dadka looga qanciyo waxyaabaha ay tabanayaan,” ayuu yidhi Anthony Ndirangu oo ah madaxa Cilmi-baadhista ee IPSOS /Farsight.

Kalsoonida ay dadweynahu ku qabaan ciidanka booliska iyo kuwa milatariga ayaa si siman hoos ugu dhacday, ilaa iyo ay gaadhay heer ay shacabku aaminaan in ay ku guuldareysteen waajibaadkooda ah sugidda amniga dalka.

Shacbiyadda madaxda maamul-goboleedyada ayaa guud ahaan aad ugu hooseeysa gobollada. Laba ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada oo kaliya ayay shacbiyaddooda ka badan tahay 50%, taa oo ka dhigan in afarta kale ay ka hooseeyaan 50%.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya 55%.

Madaxweynaha Jubbaland 52%.

Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Galmudug 43%

Madaxweynaha Puntland 31%.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here