Danjire Nicholas Kay Oo Si Saraaxad Leh Uga Sheekeeyay Kulankii Uu Madaxweyne Siilaanyo La Yeeshay Iyo Weedhihii Lagu Yidhi Ee Aanu Weli Iloobin

0
807

Picture8Hargeysa(Geeska)-Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Nicholas Kay ayaa si saraaxad leh uga hadlay kulankii uu sannadkii hore la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo, markaas oo lagu wargeliyay inaanu xafiiskiisu ka shaqayn karin Somaliland maadaama oo uu ka soo horjeedo danaha qaranka Somaliland.

Danjire Nicholas Kay, oo shalay khudbad ku saabsan xaaladaha dalka Somaliya ka jeediyay machadka Maraykanka ah ee la yidhaahdo United States instutite of peace, waxa mid ka mid ah dadkii ajaanibka ahaa ee madasha fadhiyay uu weydiiyay inuu kelmad ka yidhaahdo Somaliland iyo xafiiskiisa UNSOM oo shaqadiisa Somaliland ay laalan tahay.

Wuxuu sheegay inay jiraan wada hadalo uu dalka Turkigu ka dhex waddo Somaliland iyo Somaliya, kuwaas oo ku kooban dhinaca hay’adaha, waxase uu sheegay inuu rajaynayo in wada hadalladaasi gaadhi doonaan heerka siyaasiga ah, isagoo sheegay inay Dawladda Turkigu maal iyo wakhtiba u hurayso ka midho dhalinta wada hadalada.

Mr. Kay, wuxuu aad uga qosliyay dadkii madasha fadhiyay markii uu ka hadlay kulankii uu Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay iyo weedhihii adkaa ee lagu yidhi, “Mar keliya ayaan tagay Somaliland, waxa ay ahayd waqti yar kadib markii aan hawshayda bilaabay. Wuxuu ahaa safar wanaagsan, si diirran ayaa la ii qaabilay, la iina daryeelay. Horumar ku soo jiidanaya ayay ka sameeyeen Baarlamaanka, dawladnimada, hay’adaha dawliga ah, wasaaradaha iyo xarumaha, dabadeedna waxaan kulankii u dambeeyay la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo. Madaxweyne Siilaanyo waa nin furfuran oo anshax wanaagsan, laakiin wuxuu ii sheegay in aanan mar dambe soo noqonin.”

Markii uu ergaygu hadalkiisa halkaas marinayay, waxa aad u qoslay dadkii madasha fadhiyay oo ku qoslay weedha ah inaanu mar dambe soo noqonin, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu danjiruhu raaciyay, “Sababtoo ah wuxuu [Siilaanyo] yidhi danjire waxaad madax u tahay xafiiska UNSOM ee caawiya Somaliya, waxaanan filayaa in wadanka aad u socotay uu kaa qaldamay. Waa dalka nala deriska ah, (Soomaaliya)”

Ergeygu Wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo u sheegay in maadaama oo uu xilkiisu yahay kor u qaadista distoorka, federaalka iyo doorashooyinka Somaliya ay adagtahay sida uu arrimahaas ugaga shaqayn karo caasimadda Somaliland ee Hargeysa. “Wuxuu igu yidhi shaqadaada Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waa inaad kor u qaado federaalka, distoorka iyo doorashooyinka Somaliya. Sidee ayaad arrimahaas uga qaban kartaa Hargeysa.” Sidaas ayuu yidhi danjire Nicholas Kay.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay inuu fahansayahay sababta ay Somaliland go’aanka adag xafiiskiia uga qaadatay, waxase uu sheegay inuu ka xunyahay go’aankaas, isagoo sheegay in xafiiskiisu aanu ka shaqayn oo keliya arrimaha siyaasadda balse uu wax ka qabto dhinacyada cadaaladda, arrimaha xuquuqal insaanka, tayaynta xafiisyada iyo kuwo kale, waxaanu intaas raaciyay inay Somaliland dani ugu jirto xafiiskiisa UNSOM, “Rajaydaydu waxa weeye, anoo aragtidooda ixtiraamaya in aanu mar wada fadhiisan doono oo la wada hadli doono, rajo weyn ayaanan ka qabaa.”